cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
7/5/2014ka, Hargeysa,
“Ninka dhacanta jiitow,
Dharka ceebta qariyaa,
Hadal iyo dheh maaha,
Dhaqan suubban weeyaan,
Dhimashadu xabaashiyo,
Kafan laba-dhudoodiyo,
Rabaddoo ku dhaaftiyo,
Iil dhexdiisa maaha,
Dhilashada jidhkaagiyo,
Sharafkoo dhantaalmiyo,
Dheg-xumaanta weeyaan,”
Maansadii Jiitama, Hadraawi, 1984kii,
Hadba waxay dalcad fuulaan oo ay haddana naslad ka daaddegaanba habaqlihii iyo habqankii Kulmiye, ugu dambeyntii waa kuwii isku shubay Qolka Shirarka ee weyn ee Hudheelka Maansoor iyaga oo aan dheg la qabto lahayn. Guuxa, gurxanka, hiifka iyo haaraanka waad yaabaysay. Ciil dartii ayaa debnaha la isu cunayay. Buuftaanka iyo bolo-xooftada hadba mid ayaa lad-qabo loogu tegayay. Waxba heshiis kuma ay ahayn oo aan ahayn in iyaga oo 1162 ergey iyo dul-socodkii ah ay Qolka Shirarka isku shubaan.
Warbixino rasmiya oo xisbiyeed sidii dhaqanka iyo xeerkuba ahaayeen lama jeedin lamana akhriyin. Wax-qabad xisbi lagama sheekayn. Alleylehe Xasan Gaafaadhi iyo Samaale ayaa la sheegayay iyaga iyo Allahood e’ in ay meesha ka lahaayeen: “Waanu ka noqonnay murashaxnimadii.” Hadda marka horeba madal xisbiyeed iskama ay sharraxin ee suuqa ayay kaga dhawaaqeen, isla suuqa iyaga oo joogana waa ay ka noqdeen. Niman is-toogtay uun ka soo qaad oo aan meel kale looga iman. Xaalka xukuumaddeennan Kacaan-u-eg ayaa iska ah: Adigu is-cay, adigu is-ceebee.
Meesha kama ay madhnayn in Madaxweynuhuna Khudbad ka jeediyay, laakiin waxaan dadweynaha ka dhaadhacayn Kulmiye ayaa ‘xisbal xaakim’ ah. Dadweynuhu waxay aamminsan yihiin in uu yahay hangoolkii marka loo baahdo la soo qaadanayay, marka hawsha lagu qabsadona dibadaha lagaga seexanayay. Waa inta aynu ilaa immika soo aragnay.
Xisbiga Kulmiye waxa looga fadhiyaa sidii uu ku caddayn lahaa sharciyaddiisa marka loo raaco xeerkooda. Waxa looga fadhiyaa in ay dadweynaha ka qanciyaan shirweynihii oo 29/4/14ka xidhmay, sida ay maan-gal u tahay in Guddi xisbiyeed oo meel fadhidaa naadiso in ay reeruhu soo gudbiyaan magacyada xubnaha Golaha Dhexe u gelaya? Wax lala gabbado ma aha ee daahir yaa shamis ayaa wargeysyada iyo mareegaha laga baahiyaa. Waaxa naadintaas inta badan ku saxeexan Xoghayihii Shirweynaha, malahayga waa qurbo-joog xisbinnimadu ku cusub tahay, illeyn haddii kale ma yidhaahdeen Shirweyne xidhmay ayaan Xoghaye u ahay e’.
Malaha waa Shirweynayaasha noocyada cusub. Awal waxaynu arki jirnay ama maqli jirnay Shirweynayaal mar wada dhasha, marna wada dhinta. Maanta waxaynu markhaati ka nahay Shirweyne casriya oo mar wada dhashay, bal se kala hor dhintay oo ergooyinkiina iska hoydeen, Guddoomiyihii, Xoghayihii iyo Hoggaankiina meel fadhiyaan. Hoggaanba haddii aad maqasahan waa marka Guddoomiyaha la tasaynayo. Sida oo kale haddii aad Shir-guddoon maqasho, Guddoomiyaha ayaa la tasaynayaa.
Guddidii Diiwaan-gelintu meel alle yaale meel ay ku dhibicday lama hayo. Berrito ayaad maqli doontaan iyada oo saxeexa xalaalaynta ugu jiidday. Markaas ayay xukuumaddeennu wax-qabad iyo guulo ka sheekaysaa iyada oo wixii macnawiga ahaa intoodii badnayd ku tumatay. Bal qabyaaladdan dib u soo magooshay ee wax walba lagu qaybsanayo eega.
Laba arrimood baa hoosta-ka-xarriiqid u baahan:
- Khudabaddii Xidhitaanka Shirweynaha ee Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi. waxay ahayd Khudbad gaaban, lahjad kulul, golaaftan iyo hanjabaadba cokan oo uu ku dhaadanayay in sida uu yahay loo dhaqan-gelin doono Dastuurka Xisbiga. Ciil iyo cadho ayaa wejigiisa ka muuqatay iyo damqashada marinnadii xanuunka lahaa ee la soo mariyay sannadahan ugu dambeeyay. Hirgelintaa Dastuurka nidar ayuu ku galay isaga oo aan is-leeyahay wuxu ku talo-gelayay liisankan shanta sannadood ah ee loo cusboonaysiiyay.
- Xeedho iyo fandhaalba waxay kala dahceen oo dheryihii rigaaxmeen galabtii dhaweyd ee uu Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi sida rasmiga ah ugu dhawaaqay Murashaxnimadiisa rasmiga ah ee jagada Madaxweynaha oo uu weliba si rasmiya u caddeeyay in uu Madaxwene Siilaanyo Golaha Dhexe dhexdiisa kula tartami doono, bal se aanu sugayn marka uu ‘Haakah’ yidhaahdo. Wuxu intaa raaciyay su’aal uu dhegaystayaashii weydiiyay oo ahayd: “Miyaanay sidaasi fiicnayn. In aan tartan saaxiibtinnimo la galo Madaxweynahayga.” Hadda Muusihii hore ma aha. Waa Guddoomiye/Murashax Muuse Biixi Cabdi. Wuu xooggan yahay dhawaanna mishiinka ayaa loo xidhay.
Haybad iyo karaamo u taal xisbiga Kulmiye ma jirto maanta, sida ay aniga ila tahay. Xumaan kasta oo ay xukuumaddan Qurbo-jecel Qolqol-neceb ku kacdayba waxa loo aanaynayaa Kulmiye oo had iyo jeer is-hafra oo sheegta in uu hayo taladan dalkan lagu hagayo ama hoggaaminayaba. Sannad ayaa ka hadhay doorashadii. Su’aalo bandanna waa la is-weydiinayaa.
Xisbiga Kulmiye ma is-barraxi doonaa? Sannadkaa hadhay talada dalka si run ah oo la taaban karo wax ma ugu yeelan doonaa haddii aanu gebigeedaba gacanta ku dhigayn? Dhawaan-xoolowga dhandhamada sedka mooday ee Madaxtooyada barriinsaday Kulmiyena isku sawiray ma barriijin doonaa? Badraddii baraarka, badradda baar-qabbadu booca ma kala goyn doontaa?
Kulmiye ma waxa looga talin doonaa Madaxtooyada iyo Guriga Seylici, mise Xaruntiisa ayaa arrinku ka gu’I doonaa? Wasiirradii UDUB la hadhay, Kulmiye halista geliyay, xisbi kasta oo yimaaddana isku deyi doona in ay ku qadhaabtaan Xisbiga ma looga talin doonaa oo Guddoomiyaha ma ku feyli doonaan? Mise sidoodii ayay Madaxtooyada uga soo sahay qaadan doonaan?
Sidee Xisbiga Kulmiye midnimada dhexdiisa loo xoojin karayaa? Sidee looga ilaalinayaa in la biliqaysto? Isagu se wax ma soo bililiqaysan karayaa? Dhexdiisa loollan ma ka dhici karaa? Loollaankaasi mid caynkee u eg ayuu noqon karaa? Maxaa la isku qabsan doona? Yaa is-qabsan doona?
Madaxweynaha ilaa immika waxba kama haynno e’, macno-darantii badka soo dhigi jirtay ee soo sharraxi jirtay maxay yeeli doontaa? Caqli ma yeelan doonaan? Mise walacsigii iyo daad-wararacdii ayay weli ku jiraan?
Tirsiga dambe maxaad u soo jeedin lahayd in laga hadlo?
Dhammaad. Waa inoo tirsiga dambe ee 11aad, haddii Eebbe idmo.
Waddo-walafku, waa xanuun cusub oo si la yaab leh u saameeyay Xukuumaddeennan Kacaan-u-eg ee dadkii ku haysata: “Waxaanu qabannay maxaad u sheegi weydeen?” Run tii waa aynu sheegi lahaynba e’, mid wax sugaysa ayaanay ahaynba. Ma cid baa dafirsan in ay waxyaabo maaddiya oo qosol-ku-jab u badan qabatay oo dhal-dhalaalkooda meelahaa laga arko. Ballan-qaadyadii ummadda ay u ballan-qaadday waddooyin keliya ma ahayn. Ballan-qaadyadu dhagax meel la dhigo oo keliya ma ahayn. Ballan-qaadyadu dhagax-dhigistaas oo hadba la cusboonaysiiyo ma ahayn. Ballan-qaadyadu dadka oo lagu qasbo in ubax qoorta la isu sudho oo keliya ma ahayn. Ballan-qaadyadu wixii ay dadku deeq bixiyeen oo la sheegto ma ahayn. Ballaan-qaadka 1aad waddo ma ahayn. Ballan-qaadka 2aad waddo ma ahayn. Ballan-qaadka 3aad waddo ma ahayn. Ilaa ballan-qaadka malyuunaad waddo ma ahayn. Mudanaanta 1aad ee ballan-qaadyadu waddo ma ahayn. Buuggii yaraa ee codadkii shacbiga la dhaafsaday wixii ku qornaa oo dhami waddo ma ahayn. Qorshaha 5ata sannadood ah ee ay xukuumaddan dembi-badan dhigatay wada waddo ma ahayn.
Wasaaraduhu waa ay badan yihiin e’, ma wada aha waddo. Waxani waa xanuun xukuumaddeenna isma-og, aqallo-jecel ku dhacay.