“Golxoo dhami maaha dhalan,
Mar bay ged kaleeto tahay,
Debnoo gargariira iyo,
Gengeda waxa keenta been,
Waxay tixdu gaabsataa,
Damiirku markuu gam’aa,
Hadduu hal ku seego geed,
Waxaad gocataa hurdada,”
Maansadii Gurmad ee Gaarriye, 2005tii,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
5/6/2014ka, Hargeysa,
Waxba araaran maayo. Goorteed iyo goobteed midnaba ma aha. Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, lagama filayo in uu iga sugo in aan taariikh-nololeedkiisa qoro, anigana kollayba qorshaha iiguma jirto. Si aanu saaxiibkay u kala badbaadno, ayaanan qormadan sida aadka u kooban ugu hollan mowduucaa aan marnaba aniga la iga sugayn. Waxaan u holladay in aan si sar-ka-xaadis ah ugu guud maro, Mudane Siilaanyo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, xilalkii kala geddisnaa ee uu ka soo qabtay Jamhuuriyadii Soomaaliya, SNM iyo Somalilandba ama immikaba ka hayo Somaliland.
Sida aan ka soo xigtay odeygeenna guunka ah ee Google, Mudane Siilaanyo 1938kii ayuu ku dhashay magaalada Burco, Xarunta Gobolka Togdheer Jaamicadda Manchester ayuu ka qaatay shahaadadda ‘Master’-ka oo Dhaqaalaha ah 1965kii, markaas ka dib oo uu ku soo noqday magaalada Muqdisho. Dad looga qaateen ah waxaan ka maqlay in Agaasime looga dhigay qaybta Qorshaynta ee Wasaaraddii Qorshaynta, halkaas oo uu ka shaqaynayay ilaa 1969kii. Waxaan xusuustaa maalmo aan baadhayay taariikh-nololeedkii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal in aan arkay sawirka Mudane Siilaanyo isaga oo ka mid ahaa wefdigii Cigaal ee booqashada ku tegay dalka Mareykanka, maalmihii la dilay Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke, 15kii Oktoobar 1969kii.
Dhacdadaa dhagareed ayaa sababtay in uu Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ka dhaco Inqilaab millateri oo uu hoggaaminayay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre oo dalka ka talinayay muddo 21 sannadood ahayd. Inqilaabkaasi wuxu dgacay 21kii Oktoobar 1969kii. Caleemo qoyan ayaa loo lulay aadna waa loo soo daweeyay, maa daama dadku ay khaati ka joogeen nidaamkii maamul ee rayidka ahaa ee sagaalka sannadood dalka ka soo talinayay. Wuxu ahaa nidaam kharribnaa, musuq-maasuq iyo eexna loo nacay oo ay dadku Ilaahay ka baryayeen in uu mar uun ka dul qaado. Sidaas ayaa lagu soo dhaweeyay sannadihii hore Inqilaabkaa millateriga ahaa ee dalka qabsaday. Intii hore oo dhan waa uu fiicnaa sida aad ka dheehan karaysay suugaantii ay curiyeen hal-abuurkii waddaniga ahaa. Axmed Ismaaciil, Qaasim waxa laga haayaa: “Gaan-gaanbin meysoo askari, giigsan baa wada.” Timacadde waxa isgana laga hayaa isaga oo millateriga la hadlayay: “Mar in aad rogataan, Annagu waanu rabnee, Idinkaa naga raagay,”
Golihii Sare ee Kacaanku, Mudane Siilaanyo wuxu u magacaabay Wasiirka Qorshaynta. Ilaa markii uu ka tegayay nidaamkii millateriga ahaa 1982kii, Mudane Siilaanyo wuxu mar walba hayay xilal hoggaamineed oo ka dhexeeyay: Wasiirka Qorshaynta, Hoggaanka XHKS ee Ganacsiga iyo Wasiirka Ganacsiga. Intii uu la shaqaynayay nidaamkii millateriga ahaa ilaa siddeed jeer ayaa xilal kala geddisan loo magacaabay sida aad ka dheehan kartaan Buugga ‘Politics of Cain’ ee Dr. Bulxan, Bogga 276aad. Waa sed-bursiimo.
Mudane Siilaanyo wuu ka baxay nidaamkaa Siyaad Barre oo wuxu tegay magaalada London. Bishii Ogos 6dii, 1984kii wuxu ka mid noqday ergooyinkii ka soo qayb-galay Shirweynihii 4aad ee SNM oo ku qabsoomay magaalada Jigjiga ee xarunta Kililka 5aad ee Itoobiya. Mudane Siilaanyo isaga oo aan wax olole ah u gelin ayaa loo doortay Guddoomiyaha SNM. Beriga guddoomiyayaashu waxay xilka hayn jireen muddo sannad ah, bal se Mudane Siilaanyo sed-bursiimo waxa loo siiyay in uu laba sannadood xilkaa hayo oo waa loo kordhiyay. Waxa intaa loogu daray in Shirweynihii 5aad dib loo dhigo muddo lix bilood ah oo Mudane Siilaanyo muuddadiisii xil-haynta sidaa iyadana lagu kordhiyo. Waa sed-bursiimo kale. Shirweynihii 5aad ee SNM ayaa lagu qabtay magaalada Harar ee dalka Itoobiya bishii Maarj 1987kii. Mar labaad ayaa Mudane Siilaanyo oo aan olole u gelin loo doortay Guddoomiyihii SNM. Waa sed-bursiimo kale.
Axmed Maxamed Guuleed (Jimcaale) oo ahaa Guddoomiyihii ugu horreeyay ee SNM muddo sannad ah ma dhammaysan. Sheekh Yuusuf oo Guddoomiyihii 2aad ahaa, mar sannad ah iyo mar afar bilood ah ayuu hayay. Damal Cabdilqaadir Koosaar oo ahaa Guddoomiyihii 3aad muddo sagaal bilood ah ayuu Guddoomiye u ahaa SNM. Cabdiraxmaan Tuur wuu dhammaystay saddexdiisii sannadoodba.
Mar labaadkii Mudane Siilaanyo la doortay, muddadii xil-haynta Guddoomiyaha ee ahayd labada sannadood waxa looga dhigay saddex sannadood. Waa sed-bursiimo kale. Bishii Maarj, 1990kii markii Shirweynihii 6aad lagu qabtay Balli-gubadle Mudane Siilaanyo wuxu noqday xubin joogto ah oo Golaha Dhexe ee SNM ah. Dastuurka SNM ayaa dhigayay in laba jeer oo keliya la isu sharrixi karo guddoomiyennimada SNM, sidaas ayay Mudane Siilaanyo xil-hayntaasi kaga dhammaatay. Aad ayuu uga xumaa, waxaanu odhan jiray hadal u ekaa ma aniga oo weli yar ayaan hawl-gab noqdaa.
Markii dalka la soo galay Mudane Siilaanyo wuxu noqday xubin Golaha Dhexe oo joogto ah, markii dambena wuxu noqday xubin Golaha Wakiillada ah. Muddadii Cigaal Madaxweynaha ahaa Mudane Siilaanyo wuxu qabtay xilalka kala ah Wasiirrada Maaliyadda iyo Qorshaynta.
2003dii wuxu ku tartamay doorashadii Madaxweynaha isaga oo Guddoomiye u ahaa Xisbiga Kulmiye. Wuxu ku waayay jagadaas 80 cod. Mar kale ayaa loo sed-buriyay. Mudane Siilaanyo doorashadii 2010kii ayuu isu soo sharraxay Madaxweyne, waanu ku guulaystay. Muddadaa 10ka sannadood ahayd isaga ayaa u taagnaa Kulmiye oo marna waayay marna ku guuaystay doorashadii. Waa sed-bursiimo kale.
Isaga oo ku dhow 80-jirka ayuu Dastuurku haddana u oggol yahay in uu mar kale isa sharraxo, Mudane Siilaanyona waa uu ku dhawaaqay in uu murashax yahay. Da’adaa uu jiray Mudane Siilaanyo ee siddeetanka ku dhow, kala badh iyo ka badanba wuxu soo hayay xilal qarameed iyo Jabhadeed oo waxa ugu hooseeyaa yahay wasiir uu soo bilaabay 1969kii. Su’aasha qarniga ee la is-weydiinayaa waxay tahay: Mudane Siilaanyo, miyaanu in ku filan oo qof ka dhergo xil soo haynin? Miyaanay u fiicnayn laftiisa in aanu xilka biyo-dhiijin ee uu inta uu tallaabsanayo iska tiiriyo? Miyaanay la gudboonayn in uu da’yarta siiyo fursad oo aanu isagu sannadaha oo dhan heemin? 76 sanndood oo uu noolaa ayuu 45 sannadood oo ka mid ahaa xilal qaran oo sare hayay. Miyaanu taas qiimayn u qaadan karayn?
Timacadde ayaa 1970kii yidhi mar uu wefdi soo dhaweynayay:
“Sarreeyow Madaxweyne,
Ereygu wayga su’aale,
Sidaan kuu hambalyayniyo,
Ma ku deeqday salaantuyoo,
Sedkaagii ma ku siinnay,
Mise waad na saluugtay,”
.
Aniguna waxaan maanta odhan lahaa:
“Sarreeyow Madaxweynow,
Ereygu wayga su’aale,
Sidaan kuu hambalyayniyo,
Xilalkaan kugu soorray,
Ma ku deeqday salaantuyoo,
Sedkaagii ma ku siinnay,
Mise waad na saluugtayoo,
Saayid baa nagu laaban,”
Dhammaad