Hargaysa(Hubaal) Musharax Madaxwayne Ku Xigeen Ee Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan Ayaa ka hadlay Xaalada guud ee dalka,Mudaharaado Shalay Ka dhacay Gabiilay iyo Diwaan Galinta Madaniga oo ay Qaadaceen Asxaabta mucaaradku.
Waxa uu nasiib daro Soo wajah-day Xukuumada ku tilmaamay Sida ay Xabada nool Ugu adeegsatay Dadkii Mudaharaadka Cabashada ah Ku muujinayay Sida ay uga Xun Yihiin Labada Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka qaranka oo lagu Dilay Deegaanka Qori-lugud.
Cabdirashiid Xasan Mataan Oo ku sugan Magaalada boorama oo goor dhawayd Khadka Taleefanka ugu waramayay HadhwanaagNews ayaa waxa uu Sheegay In ay xukuumadu ku fashilantay Sidii ay usoo Qaban
lahayd,Gacan Ku dhiig lihii Dilay Labada Sarkaal Ee Ka tirsanaa Ciidanka qaranka Somaliland.
Afhayeenk madaxwaynaha somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul Ayaa waxa uu Sheegay inaanu Hadalkiisu ahayn Mid wax kasoo qaad leh,Waxaana uu ku tilmaamay Hadal Meel waayay.
Markas Hore Cabdirashiid Xasan Mataan Musharax Madaxwayne Ku Xigeen Ee Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ucid Oo ka hadlaya Xaalada wadanka somaliland ayaa wax auu yidhi”
“Xaalada uu wadanku ku sugan yahay Marka Hore Waa Xaalad Nabadeed,Lakiin Arrimahaas Jiitanka Ee Doorashooyinku waa arin Jirta Dhibaatana ku ah Dalka,Bishan aynu ku jirno Xukuumadu Way lajiitamaysaa Arimihii Doorashada Ee ahayd in diwaan galinta La dhamaystiro,ilaa hadana Xukuumadu Madoonayso in ay Hir Galiso.
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Mudaharaadkii Shalay ka dhacay Magaalada Gabiilay Waxaana uu Dusha Arintaasi uga Saaray Madaxwaynaha somaliland Iyo Wasaarada arrimaha gudaha waxaana Uu Yidhi’
“Labadaas Sarkaal ee ay dishay Gacan ka xaq Darani Marka hore waxaan Tacsi u dirayaa Reer Gabiilay iyo dhamaan Umada somaliland,Waxaana ay ahayd In Aas qaran loo sameeyo Lakiin nasiib daro Looma Samayn,Lakiin Dhibtaas Dhacday Xukuumada lagama Dareemin,Taliyaha Ciidankuna Arintaas kamuu hadal iyo wasaarada gashaan dhiguba.
Dhinaca waxa uu hadal meel waayay ku tilmaamay Afhayeenka Madaxwtooyada somaliland Axmed Saleeb Dhuxul oo Mudaharaadkii shalay ka dhacay Magaalada gabiilay ku edeeyey Xisbiga ucid Siiba Musharax Madaxwayne Ee xisbiga Jamaal cali xuseen waxaana uu yidhi”
“Afhayeenku waxa uu doona ayuu iska yidhaa,Hadalkiisuna waa jaantaa wadhan,Anaguna Waxba kama soo qaadayno,Waxaanan u arkaa Nin iska hadla uun.
Cabdirashiid Xasan Mataan Sidoo kale waxa uu ka hadlay Sidii ay uga qayb qaateen Dajinta Dadkii Mudaharaadka ka sameeyey Gobolka Gabiilay waxaana uu yidhi”
“Anigu hada Boorama Ayaan ku suganay,Gabiilay Majoogo,Kolay masuuliyiintii Halkaas joogtay ayay u taal arintaasi,Lakiin anigu waxaan qabaa inuu shacabku u baahan yahay in markasta la dajiyo,Lakiin in rasaas loogu Jawaab haday shacabku wax tabtaan markasta arinkaasi waa khalad.
Gab-gabadii waxa uu Xukuumada ugu baaqay in ay shacabka utudho,isla markaas ka dayso Xabad ay la horjoogto,Waxa uu sheegay in ay cabashadu Haboon tahay.
Si kastaba ha ahaatee Mudaharaad ayaa shalay Gil-gilay Gudaha Magaalada Gabiilay,Waxaana Laga soo sheegayaa in ay ku dhaawac Meen 7Qof halka uu dhintay Halka qof,Waxa xidhmay Isku socodkii gaadiidka u kala goosha Magaalooyinka Wajaale iyo Boorama.