Qoddob Ay Xukuumaddu Shaacisay Inay Ku Xalaalaynayso Dalabka Millateri Ee Isu-tagga Imaaraadku Ka Qoondaystay Berbera Iyo Asbaabta Ay Sharciyadda Ku Waafajinayaan
“Talada Saldhigga Annagu Golaha Sharci Dejinta Ayaanu Keenaynaasida Ugu Dhakhsaha Badan, Wixii Ay Madaxweynaha U Xalaaleeyaan Ayuun Baa Lagu Hawlgelayaa…..”
“meelihii ay lacagta adagi inaga soo gelaysay oo dhami way yaraadeene sidee baynu doonaynaa inaynu u badbaadno haddii aynu doono inaynu adduunka ka xidhxidhnaano, dhallinyaradeeniina shaqo abuur bay u baahan yihiin..” Wasiir Farxaan Aadan Haybe.
Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay si cad u sheegtay inay golaha wakiillada si degdeg ah u horgeyn doonto dalabka uu dalka Imaaraadka Carabtu ku doonayo inuu magaalada Berbera kaga samaysto saldhig militeri.
Wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Md. Farxaan Aadan Haybe oo horyimi guddida joogtada ah ee golaha wakiillada, ayaa difaacay saldhiggaas, waxana uu xusay inay dalka dan badani ugu jirto oo wax badan laga faa’iidayo.
Wasiir Farxaan oo shaacinaya sida ay xukuumaddu diyaarka ugu tahay inay saldhiggaas horkeento golaha wakiillada, ayaa waxa uu yidhi,“talada saldhigga annagu golaha sharci dejinta ayaanu keenaynaa, wixii ay madaxweynaha u xalaaleeyaan ayuun baa lagu hawlgelayaa, waana sida ugu dhakhsaha badan.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata wasiirku waxa uu sheegay inay yaraatay ilihii dhaqaale ee dalka ay lacagta adagi kasoo geli jirtey, isla-markaana baahi loo qabo in dhaqdhaqaaq cusub la sameeyo,“meelihii ay lacagta adagi inaga soo gelaysay oo dhami way yaraadeene sidee baynu doonaynaa inaynu u badbaadno haddii aynu doono inaynu adduunka ka xidhxidhnaano, dhallinyaradeeniina shaqo abuur bay u baahan yihiin, haddii aan loo dhaqdhaqaaqina iska iman mayso oo cadow badan oo inoo diidan horumarka ayeynu leenahay”ayuu yidhi wasiir Farxaad Aadan Haybe.
Wasiir Farxaan Aadan Haybe waxa uu diidmada siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedka dalka ee naqdiyey saldhiggaas militeri ku tilmaamay qaar doonaya sidii ay wax ku hagaagi lahaayeen oo kali ah, balse aanay jirin cid wax diidani, waxana uu yidhi,“Hadalka cuqaasha iyo siyaasiyiinta iyo xildhibaannada waxanu u aragnaa inay leeyihiin way wanaagsan tahee sida ugu fiican ee aynu u dhigi karaynaa waa sidee.”
Dhinaca kalena waxa uu wasiirku ka hadlay joojinta Baasaboorradii Soomaaliga ahaa oo dhawaan la shaaciyey inaan dalka lagaga dhoofi karina, cidina lasoo geli Karin, isaga oo ugu horrayn ka sheekeeyey mushkilado hore u qabsaday dadka xujaajta ah ee Baasaboorka Soomaaliga ah ku dhoofa,“aniga oo Saddex cisho xilka haya ayaa la igu yidhi 3000 oo xaaji oo xajka tegaya ayaa madaarka ku xanniban, markii aan sababta weydiiyeyna waxa la igu yidhi Baasaboorkii ay wasaaradda arrimaha guduhu magacowday ayey sitaan, markaa waxan isweydiiyey nin ilaahay u tegay oo xajaya haddaad tidhaahdo ilaahay u tegi maysid inkaar baa ka dhici doonta, madaxweynaha ayaanu la tashanay oo si kumeel gaadh ah ugu fasaxay”ayuu yidhi wasiir Farxaan Aadan Haybe.
Wasiir Farxaan Aadan Haybe waxa uu dhaliilay qorshe la’aanta inta badan xukuumadda haysata, waxana uu sheegay inay tallaabadaas u qaadeen sidii ay uga taxadari lahaayeen inuu muran ku yimaaddo dadka sanadkan diyaarka u ah inay xajka aadaan, waxana uu yidhi,“haddii aynu Somaliland nahay waxa inoo dhaqan ah waxba kama sii tabaabulshay sanno’e marka dubuhu inagu dhaco ayuun baynu yaac yaacnaa, markaa waxan is idhi intii berri xajka kale idiinku soo geli lahaa ee idinka iyo culimada iyo xujaajtaba inkaari idinku dhici lahayd wax usii yara fududeeya.”