Guddoomiyaha SOLJA oo Gef iyo Meel Ka-dhac ku Sifeeyey Hadal ka soo Yeedhay Mulkiilaha Telefishanka SAAB
Hargeysa(Hubaal)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa aflagaado ku tilmaamay hadal Mulkiilaha Telefishanka SAAB uu jeediyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan.
Guddoomiyuhu wuxuu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu xusay in hadalka Cali Seenyo gef ku yahay karaamada Saxaafadda Somaliland, waxaanu yidhi; “Cali Seenyo wuxuu ka hadlay Arrimo aan is qabanaynin oo mihnadda Saxaafadda, Xeerka Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Karaamadoodaba aanu u aragnay inay gef ku tahay oo aanay ahayn inuu sidaas uga hadlo runtii. Dabcan, masuuliyiinta dawladdu haddii ay ku gefaan qofka Suxufiga ah ama Hay’adda Warbaahinta in nidaamka sharciga ah loo maro oo la iska difaaco weeye.”
Guddoomiyaha SOLJA wuxuu meel ka dhac ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay Mulkiilaha Telefishanka SAAB, waxaanu yidhi; “Runtii waxaanu qabnaa sida Qoddobada 14-aad,19-aad,21-aad, 26-aad, 28-aad ee Xeerka Saxaafaddu ay dhigayaan inuu Cali Seenyo majaro habaabiyey dhibtii iyo cabashadii uu qabay haddii uu muwaadinku haysto sharci iyo haddii uu sharci soo maray waxaanu qabnaa in laga hor istaagaa inay tahay xaaraan iyo dambi, hase yeeshee hadallada deelqaafka ah ee Cali Seenyo la soo istaagay Telefishanka ee aan war ahayn ee aan faallo ahayn ee aflagaaddada ah ee uu kula kacay Taliyaha Ciidanka Booliska ay tahay mid aan ururkuna aqbali karaynin Saxaafadda Somalilandna karaamadeeda meel kaga dhacaya. “
Guddoomiye Maxamuud Cabdi Jaamac waxa kaloo uu Cali Seenyo ku tilmaamay inuu ku hadlay arrimo karaamo dhac ah, waxaanu yidhi; “Ururka SOLJA wuxuu u doodaa Suxufiga dhibanaha ah ee laga gardaran yahay, laakiin ururku kuma taageerayo Cali Seenyo iyo Mulkiileyaasha Hay’adaha Warbahinta iyo Suxufiyiinta kaleba inay ku gefaan Muwaadiniinta, Masuuliyiinta iyo Qaranka Somaliland. Waxaanu u aragnaa in Cali Seenyo uu ka hadlay arrin karaamo dhac aheyd oo aanay ahayn inuu ka hadlo. Urur ahaan talo ayaanu ka gaadhnay arrintaa oo waanu ka shirnay waxaanu u aragnaa inuu ku gefay qoddobadaas aan soo sheegnay oo dhigaya in Suxufigu warka ku doono sifo hufan oo macquul ah oo wixii ka yimaadana nidaamka sharciga ah u maro oo uu iskaga difaaco.”