W/Q: Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Muxumed Qaalib (La-taliyaha Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland)
Waxa maalmihii ugu dambeeyey warbaahinta maxalliga ah iyo goobaha dadku ku kulmaan si weyn loogu falanqaynayey hadal Wasiirka Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ka jeedisay kulan Madaxweyne Siilaanyo kula yeeshay magaalada Burco mid ka mid ah beelaha ugu miisaanka weyn Gobolka Togdheer oo cod midaysan taageerooda siyaasadeed ugu hibeeyey Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbul-xaakimka talada haya ee KULMI Md. Muuse Biixi Cabdi.
Hadalka Wasiir Samsam ka jeedisay kulankaas oo nuxurkiisu ahaa sii xoojinta xidhiidh siyaasadeed soo jireen ah oo muddo dheer ka dhexeeyey beelaha ay ka soo kala jeedaan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga uga qaybgali doona tartanka doorashada madaxtooyada ee u muddaysan horraanta sannadka soo socda ee 2017.
Haddaba, hadalka ka yeedhay Wasiirka Maaliyadda waxa uu baqdin iyo walaac xooggan ku riday xisbiga mucaaradka ee WADDANI oo u arkaya is-gaashaanbuuraysigaa tallaabo dhabar siyaasadeed ku noqonaysa rajadii xisbigaasi ka qabay inuu KULMIYE kaga guulaysto doorashada Madaxweynaha Somaliland ee la filayo inay dhowaan dalka ka dhacdo.
Sidaa daraadeed, dhawaaqa Wasiir Samsam waxaan u arkaa inuu yahay furihii guusha doorashada ee KULMIYE iyo murrashaxiisa Muuse Biixi Cabdi oo Madaxweyne Siilaanyo u cummaamaday inuu noqdo Madaxweynaha xisbul-xaakimka ee isaga beddeli doona.
Dhawaaqa Wasiirka Maaliyadda ee ka nixiyey xisbiga WADDANI waxa uu la mid yahay hadalkii guusha u horseeday halgankii dib-u-xoreynta Somaliland ee uu siyaasiga Cumar Carte Qaalib oo ahaa Ra’iisal-wasaaradaha Soomaaliya ku amray ciidammadii maamulkii Siyaad Barre inay isu dhiibaan halgamayaashii SNM, guusha maanta KULMIYE helayna waa hadalkii Wasiir Samsam kaga dalbatay beesha Bariga Burco inay taageero tii beeshooda (Habar Awal) siiyeen Madaxweyne Siilaanyo markii loo doortay Madaxweynaha Madaxweynaha mid la mid ah u siiyaan murrashax Muuse Biixi si KULMIYE markale talada dalka u hanto.
Ugu dambayn, hadalka Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan ma ahayn mid wax kala fogaynaya ee wuxuu ahaa mid isu soo dhoweynaya bulshada Somaliland ee jecel horumarka iyo wanaagga waddankooda, inta ka naxdayna waxaan leeyahay guuldarrada aqbala waa furaha guusha’e
W/Q: Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Muxumed Qaalib
(La-taliyaha Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland)