TOG-WAJAALE (Hubaal)- Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise [ Shiine] ayaa dhawaan madal fagaare ah kaga dhawaaqay hadalo aan hore loogu arag masuul dawladeed ka dib markii uu sheegay in aan Baad laga qaadi karin Gudoomiyayaasha Degmooyinka uu maamulo ismarkaana uu farriin adag u diray wasiirrada Gobolka ka soo jeeda, isagoo wasiirada u soo jeediyay in aanay inta uu Gobolka joogo loo Gacan dhaafi karin Maayarada Dagmooyinka ee Hoos yimaada. Sidoo kale wuxuu xukuumada dhexe ugu dhaartay in aan labadali karin Maayarada Degmooyinka Gobolka xilkana ay iska Casili doono. Arinta ayaa ka soo baxday Gudoomiyaha Gobolka Gabiley MUSTAFE SHIINE oo lagu tilmaamo Masuul socod barada kana xidhxidhan bulsho waynta Gobolka Gabiley ayaa dhawaaqii kasoo yeedhay Xubno Culimo Ganacsato Miisaan Culus ku leh Dadwaynaha Magaalada Tog Wajaale loo arkaa mid daba socday Waji Gabax uu Badhasaabku kala kulmay Gudiyada Horomarinta iyo Ganacsatada Magaalo Ganacsiga Wajaale balse Xaalada ayaa sii cakirmaysa kadib markii ay soo baxay badalka Gudoomiyaha Wajaale iyadoo khilaafku xoogaystay Sidoo kale bulshada Reer Wajaale Waxay ku kala Qaybsameen Gudoomiyihii hore oo jooga oo Badhasaabku wato iyo Gudoomiyaha Cusub ee la soo Magacaabay. dhanka kale Gudiyada Degmada Wajaale ee kala ah Gudida Horumarinta iyo Gudida Culimada iyo Ganasatada Magaalada Togwajaale ayaa eedoymo culus ku soo jeediyay Badhasaabka Gobolka Gabiley iyadoo ay muuqato in uu lumiyay Kalsuunidii Gudiyada ka hawl gala Dagmada Wajaale Sidoo kale Gudidan ayaa Madaxwayne Siiraanyo ka codsaday in si dhakhso ah looga badalo Badhaasaabka Gabiley Iyagoo ku eedeeyay Badhasaabka in uu ku sheegay in Culimada Magaalada Wajaale iyo Gudidada Horumarintu In ay yihiin Alshabaab waasida ay hadalka u dhigeene. Isku soo wada duubuu Waxaa maalmihii ugu danbaysay Shaashadaha Warbaahinta fariimo kala duwan isku mariyay qaybaha bulshada Wajaale iyo Gabiley oo iyagu kala taageersan xubno ku hirdamaya Labada Gudoomiye ee midi Xilka sii hayay midna Wasaarada Arimaha Guduhu u soo Magacawday iyadoo la xaqiijinayo in Khilaafkani uu ka dhashay Weedhihii Xanafta badnaa ee Badhasaabka Gobolka Gabilay ku weeraray Wasiirada ka soo jeeda Deegaanka Gobolka isaga oo hore u sheegay Mr.shiine si badheedha uu madal xaflada nidar ku galay in aan la badali karin Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka ee Badhasaabka uu ka yahay.
Xigasho: Wajaale News