“Hadaynaan Wax Ka Bedelin Awooda Badan Ee Madaxweynaha Waayi Mayno, Khadiija Macalin iyo Moorgan”

0
47

 “Somaliland waxay ku jirtaa go,doon, wadamada jaarka ahina ma jecla asbaabaana jira..”

“Waa Inaynu ku Dhiirano oo ragga la aragtida ah  Damul Jadiid aynu ka qabano Xukuumaddeena”

Hargaysa, 24 Jan 2015 (Ogaal)-Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor, ayaa ka waramay waayihiisii nololeed ee intii uu xabsiga ku jiray, waxaana uu sidoo kale ka waramay sharciga iyo cadaalada dalka oo uu sheegay inay marayaan halkii ugu hoosaysay.

 cabdilaahi abokor

Cabdillaahi Abokor oo ka hadlay madal uu soo qaban qaabiyay ururka dhalinta Jiiddali, Wuxuu sheegay in garsoorku u baahan yahay madax banaani buuxda,isla markaana wuxuu xusay in nidaamkii siyaad barre  ay awoodii badnayd ee madaxweynuhu sabab u ahayd, in mar kastaba abuuraysay in inta ku xeerani ay awood badan yeelato. “ imika hadaynaan wax ka bedelin awoodaa badan ee madaxweynaha waayi mayno, Khadiija macalin iyo Moorgan. Markaa waxaynu u baahanahay isbedel sharciyeed iyo isbedel nololeed, labadaasi is barbar socdaan”, ayuu yidhi. Wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi, “ anigu ma jecli inaan cid dhaliilo, sababtoo ah nidaamkaan ka mid ahaa, oo xumaantiisa wax baan ku lahaa. Raga la yidhaahdo way gacan fudud yihiin baan ka mid ahaa runtii, laakiin maanta waxaan rajaynayaa muddadaa 7da bilood ah ee aan jeelka ku jiray, in wax badani iska bedeleen dhaqankaygii hore. Waxa jira buug aan qoray intii aan xabsiga ku jiray oo ka kooban Afar boqol iyo dhawr iyo toban bog, oo aan soo bandhigi doono wakhtigiisa. Waxa jira telefoono iyo qolo ii soo yara hanjabaysa, duruuftana kolay way og yihiin, markaa waxaan leeyahay buuggiisi wuu soo baxayaa, cid ay ku xun tahayba, nin baqana la iguma aqoon, ama telefoon soo dira ama ii yimaada oo nin ka noqonaya ma ihi. Caalamka wax qarsooni ma jiraan, dalkeenu maanta wuxuu ku jiraa go,doon, dalkeena wadamada jaarka ahi ma jecla xaqiiqdii,asbaabaana jira, asbaabtaa maanta xamar ka dhacaysa teenu way ka qarsoon tahay uun, ee xubnaha damul jadiid la doonayo dawladda in laga reebo, tii oo kale ayaa inana ina haysata, markaa waxaan jeclaan lahaa inaguna inaynu ku dhiirano inaynu raga la aragtida ah damul jadiid ka qabano xukuumadeena. ma doonayno inaynu dib u galno dagaaladii todobaatanadii ka jiray bariga Africa”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here