Hargeysa (Hubaal)- Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo ka tirsan xildhibaanadda golaha Wakiiladda ayaa xukuumadda ku dhaliilay inay ku fashilantahay siyaasaddii arrimaha dibadda, isla markaana uu Cali Khaliif Galaydh kaga badiyey arrimihii dibadda.
Xildhibaan Bashiir Tukaale ayaa sheegay inay xukuumaddu ku mashquushay xafiiltanka ka dhexeeya xisbigeedda, isla markaana awooddii xukuumadda ku jihaysantahay khilaafka KULMIYE taasina ay keentay inay dayacmaan Arrimihii dibadda iyo gudaha.
Md: Bashiir Tukaale shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa ayaa ka warbxiyey xaaladda dalka iyo sida uu u arko kasbosho la’aanta beesha caalamka ayaa yidhi “Xaaladda uu dalku marayo ayaan doonayaa inaan ka waramo, baryihii hore waxaad moodaysay inay siyaasadda arrimaha dibada hore u socotay, hase yeeshee waxay u eekaatay mid halkeedii ka soo noqotay oo aan gaadhin xafiisyaddii looga baahnaa, waxaad arkaysaa in caalamkii dhamaa yidhaahdo ciidankeena dib uga soo noqda xuduudeenna, waxa nasiib daro ah xafiiska uu Cali khaliif Galaydh gaadhay eyey xukuumadeenina gaadhi kari wayday oo Cali Khaliif Galaydh baa kaga awood batay caalamka”.
Xildhibaan Tukaale oo isbarbar dhig ku samaynaya xukuumadihii hore iyo xukuumadan wuxuu yidhi “baryihii hore marka caalamka la tagayo wasiiradii hore Addis Ababa si ay u sii dheg dhegeeyaan waxa jira, marka ay wax ogaadaan ayey caalamka ka sii dhaadhicin jireen xaaladda Somaliland iyo amnigeedda, hase yeeshee taasi meesha way ka baxday , imika dhulkeenii ayaa la leeyahay ha tagina oo dib uga soo noqda waa guuldaro dalkan u soo hoyotay, intii lagu mashquulsanaa hebelo ayaa dalkii dhamaa dushii la’inaga handaraabay, waad ogtahay labadii dal ee aynu xuduudda lahayn ee aynu isku wanaagsanayd Jabuuti iyo Itoobiya xuduudoodii wuu xidhan yahay ummadda looma sheegin maxa loo xidhay maxaa dhacay, ummaddii waxay tuban tahay xuduudaha, dadka dawooyin u socday, Hadii aad tagtid Xuduudka Wajaale ama Lowyacado yaabaad u dhimanaysaa waxa dadkii haysta”.
Mar uu ka jawaabayey waxa keenay dhibaatadan uu ka sheekeynayo waxa uu yidhi “marka ay xkuumaddii oo dhami ku mashquusho xafiiskoogii Kulmiye wax badan ayaa dayacmaya oo amnigi iyo wax walba way dayacmayaan, sidaa awgeed saameynta ay arrintaasi leedahay waadiga arkaya halka aynu marayno iyo dib u noqoshadda inagu dhacay”.