“Waxaanu doonaynaa halkan inaanu idinka fahansiino, Haddaanu Gole ka sheegno oo Guud ka sheegno waa in dadku qaataa, Cabdi Awdaahir-na ma fulinayo ee dawladdaa fulinaysa”
HUBAAL KA AKHRI: Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Ka Warramay Seerayaasha Qool-caday iyo Aroori Oo Muran Dhaliyay
Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa faahfaahin ka bixiyay Mashruuca Seeraha ee Qool-caday iyo Aroori oo muran dadka degaanka iyo Wasaaradda u dhexeeyaa hadheeyay ka dib markii Wasaaradda Xanaanada Xooluhu Bananka Qool-caday iyo Aroori u qorshaysay in Seereyaal laga xidho.
Wasiirka ayaa sheegay in Dadka degaamada la Seerayo oo la fahmi waayay waxtarka Seeraha ay u samrayaan ilaa iyo intay kala fahmayaan. Waxa uu sheegay inaan cid kale loo xidhayn Seeraha islamarkaana aan dhulka mar lawada xidhayn, balse hadba dhinac laga beerayo Cawska, sidoo kalena adeegyo xoolaha lagu xanaanaynayo laga samaynayo
Wasiirka Xanaanadda Xoolaha oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaad Maalmahan Ogaydeen in la yidhi Bananka Qool-caday iyo Aroori la xidhi maayo, oo aanu ognahay culayska ay ku leedahay Dadkayaga, dadkana aanu u samrayno oo aanu ka dhaadhicinayno waxtarka ay u leeyihiin dhulkaasi. Wasaarad kastaa waxay leedahay Waajibaad gaar ah, wasiirka Duulistu markuu yimaad wuxuu odhanayaa, waxaan dhisayaa Madaarkii Hargeysa, ka Berbera ka Laascaanood, Wasiirka Caafimaadku sidaasi oo kale ayuu odhanayaa Cusbitaaladii magaalooyinkaasi ku yaalay ayaan dhisayaa, Anagu markaanu nimidna waxaanu ku fikiray inaanu Seerayaashii Qool-caday, Aroori iyo Bancawl dhisno, oo waa waajibkayaga.haddaanu ka tagno aanan seerin waxa weeye waxba wasaarad ahaan iyo wasiir ahaanba maanaan qaban”.
sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay muhiimada wasaaradda Xanaanada Xooluhu dalka iyo dadka u leedahay seerooyinku “Waxaanu nahay Wasaaradda ugu Muhiimsan, waxaanu nahay Laf-dhabarta Dhaqaalaha ugu muhiimsan, waxaanu nahay waxaynu Cashuurta ka helo, waxaanu nahay waxaynu Waxbarashada ka helo, Markaas waa waajib na Saaran, Dawladdan Saaran, idinka idin saaran, Badhasaabka Gobolka Saaran, Wasaaradda Daakhiliga saaran inaynu Hirgalino Wixii xoolaheena wax u taraya ee aynu wax ugu qabanayno . Wasaaradda Xanaanada Xooluhu iyadoo taas ka duulaysa, iyadoo Og in Shaqaalaheenu boqolkiiba sideetan ka yimaado Xoolaha nool, mid Raaca, Mid Iibsada, Mid dhoofiya, mid Xaraasa, Mid Caanaha Iibiya, Mid Hilibka Iibiya.markay sidaas tahay waxa weeye in lala hir galiyo Daaqsimaha aanu doonayno inaanu xoolaheena u qabano, warbaahinta iyo dadka kaleba nagula tabcaan”.
Wasiirka oo Qorshaha Dhulka lagu xidhayo waxa uu yidhi “ Daaqsin dadka laga wada kaxaynayaa ma jirto, mar halkan ayaynu u beeraynaa, marna halka kale ayaynu u beeraynaa, kolbana meeshii aynu u beerno ayaynu odhanaynaa daaqa. Waxay labadaa meelood oo kaliyi(Seeraha Qool-caday iyo Aroori) ku filaan kartaa Malyan Neef oo Xoolaha ah. Waxa weeye dareenka dadka waanu Ognahay, marka wax la bilaabayo dhibaatadeeda waanu ognahay, se laakiin waynu u dulqaadanaynaa oo waxaynu ugu dulqaadanaynaa Bal inaynu dhadhansiino waxtarkiisa oo sida maanta aynu u fahmayno waxtarkiisa ay inoola fahmaan. Dadku ma diidana in wax la taro laakiin waxa suuro gal ah inaanay u fahmin sida maanta aanu u fahansanahay waxtarka seerahu leeyihiin” ayuu yidhi Wasiir Cabdi Awdaahir Cali.
Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “ Waxaanu doonaynaa halkan inaanu idinka fahansiino, warbaahinta idiinku sheegno Waxtarka Seeraha, iyadoo Madaxweyne xigeenkii iyo Dawladdii oo dhami u dhantayna Seeraha la xidhayo. Kalmada Jaabiri ayay ku soo celceliyeen, Meeshan Jaabiri ma leh, Indha Deerana ma leh, Ganacsato kalena ma leh, Cid gaara oo loo xidhayana ma leh ee waxaa loo xidhayaa dadka.markaa haddaanu sheegno, oo Gole ka sheegno oo Guud ka sheegno dee waxa weeye in dadku qaataa, Cabdi Awdaahirna ma fulinayo ee dawladdaa fulinaysa”
Dadka degan Bananka Xukumaddu seerayso ayaa diiday Xidhida Seeraha, iyagoo ku doodaya in dhulku ku cidhiidhi yahay iyo in sidoo kale ganacsato iyo dad gaar ah loo xidhayo Seeraha kuwaasi oo xoolaha ay Iibsadaan ku naaxisanaya.