Suld. Saleebaan Boqor Cismaan Oo Sheegay in Siyaasiyiintii Dhawaan Ku Biiray WADDANI Ay XUJO Ku Yihiin Hoggaanka Xisbigaas
“Nin Baan La Kaftamay Oo Aan Ku Idhi Nimankaas WADDANI Galay Waa Toban Nin Oo Isku Reer Ahe; Bal Waxaad Toban La Mid Ah Oo KULMIYE Yimaada Oo Dhinaceena [Reerka] Ka Yimaada Haddii La Soo Waayo In La Innaga Gobsan Yahay Sidaas Ku Garo”
+++++++++++
“Aniga Rag Baa Maalin Walba Igu Yidhaahda Maxaad KULMIYE Ka Qabanaysaa?”
Hargeysa (Hubaal) – Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Oo Ka Mid Ah Salaadiinta reer Somaliland gaar ahaanna kuwa bariga Hargeysa ayaa qoddob xujo ku ah xisbiga WADDANI iyo taageerayaashiisa ku tilmaamay siyaasiyiintii dhawaan sheegay inay ku biireen xisbigaasi iyaga oo ka digorogtay xisbiga KULMIYE. Suldaan Saleebaan Waxaa uu sheegay in Siyaasiyiintan oo isku deegaan kasoo jeedaa isla markaan ay isku beel yihiin murashaxa xisbiga KULMIYE ay ku biiristooda WADDANI meesha ka saarayso cunfi iyo casaba reernnimo isla markaana y Muujinayo ilbaxnimo siyaasadeed maadaama oo qofku xaq u leeyahay in uu xibsiga uu doono taageeri karo ama ku biiri karo, hase yeeshee waxaa uu sheegay in taasi ay xujo ku noqonayso xisbiga WADDANI haddii la waayo koox sida kuwaas ku biiray safanoo kasoo jeeda dhalasho ahaan deegaanka murashaxa WADDANI kuwaas oo soo biira xisbiga KULMIYE. Ugu horeyn Suldaan Saleebaan oo sharraxaad ka bixiyey sida uu u arko siyaasiyiintan ka digarogtay KULMIYE ee ku biiray WADDANI waxaa uu yidhi “Horena qaar badan oo KULMIYE ah baa Wi tagay, qoladanina waa qoladii berigaas ka soo hadhay oo iyagu yara tirisayay markaas KULMIYE ay saamayn ku yeellanayaan ma jiro oo Abiib Timacad iyo Ismaaciil Yare waxay kamid ahaayeen guruubkii Xirsi Hoggaaminayaye WADDANI galay, dhibaatana ma laha arrintaasi oo xisbiyada waa lagukala biiri karaa”. Sidaas ayuu yidhi Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo waraysi gaar ah oo uu tifaftiraha shabakadda Togaherer.com Cabdiwahaab Jannagale ku siiyey magaallada Hargeysa kaga warramay amuuro kala duwan oo ku dhereran wacyiga siyaasadeed ee dalka ka jira khaasatanna xafiiltanka u dhexeeya xisbiga talada haya ee KULMIYE oo suldaanku ka tirsan yahay iyo xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. WAraysiga Suldaan Saleebaan oo xiiso lahaa waxaa waxyaabihii uu kaga warramay ka mid ahaa sida uu arkay miisaanka siyaasadeed ee ay xisbiga WADDANI ku kordhin karaan xubnahan ay Ismaaciil yare iyo Abiib timocad horkacayeen oo iyagu dhinaca dhalashada marka laga cabiro kasoo jeeda isku deegaan, kuwaas oo bedelkoodana uu sheegay in hormadaasi ku biirtay Xisbiga WADDANI xujo reeraysan ku noqonayso saaxadda siyaasadda, “Nin baan la yara kaftamay xalay [xilliga waraysiga la qaaday] oo waxaan ku idhi nimankaasi xisbiga WADDANI galay waa toban nin oo isku reer ahe waar bal waxaad yeeshaan toban nin oo safan oo siyaasiyiin ah oo culus oo dhinaceenan [reerka] ka yimaada oo KULMIYE yimaada malasoo helayaa?, Mayee la soo heli maayo ayuu yidhi, dee haddaba haddii la soo waayo in la innaga gobsan yahay garo baan ku idhi aniguna. Markaa rag baa maalin walba ila hadla oo igu yidhaahda KULMIYE maxaad ka qabanaysaa, markaa waxaan leeyahay waxaa weeye Somaliland in ay is dhex gasho oo in beelnimada iyo qabyaallada laga baxo ceebi kuma jirto oo ninku waa u madax banaan yahay xisbiga uu galayo, waliba waxay ku qurux badan tahay inaan dadku qabaail u kala safanine ay mabda’ noqoto waan ku amaanayaa ninkii sidaas ku dhaqmaya, laakiin hadday noqoto xaggaasna ha la iiga yimaado aniguna dhaqaaqi maayo dee ninka kuu yimaada bal adba….!!. Eesh qiyaasak. Markaa guud ahaan raggaas WADDANI galay anigu inkasta oo aanan is lahayn taageero ballaadhan oo ay KULMIYE kala tagayaan baa dhacaysa haddana dee way u madax banaan yihiin halka ay galayaan”. Ayuu yidhi Suldaanku.