Hargeysa (Hubaal)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa khimaayo qaran iyo dambi wayn ku tilmaamay hadday ku caddaato kulan la sheegay in guddoomiyahooda, ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu kulan qarsoodi ah dalka Turkiga kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh.
Xildhibaan Caalin oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay hudheelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in inkastoo jiritaanka warkaas aan si cad loo xaqiijin, balse ay jiraan xogo badan oo muujinaya jiritaanka shirar qarsoodi ah oo dhexmaray Guddoomiye Cirro iyo Xasan Sheekh, taas oo uu xusay haddii ay caddaato inay noqonayso dambi weyn oo khiyaamo qaran ah.
“Waxa soo baxay war aan aad ula yaabay oo la leeyahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro iyo Madaxweynaha Xamar, Xasan Sheekh ayaa isku arkay Turkiga oo labadoodaba casuumay. Shirar badan baa la sheegayaa oo ay galeen oo anigu aan u arko inay tahay arrin aad u weyn. Dhinaca kalena qolada WADDANI waxay sheegayaan oo aan ka maqlay in Cirro ilko laga soo dawaynayo u tagay Turkiga, inkastoo aan iswaydiiyey ninka ilig laga saarayo u tegaya Turkigu miyaan halkan [Somaliland] lagaga saari karayn? Markaa weli caddayn baa loo baahan yahay, laakiin arrintaasi hadday ku caddaato Cirro waa khiyaamo qaran.
Warkaas is-khilaafsan ee isugu jira caafimaad iyo kulamada la sheegayo oo dad aad u xogogaalinayaan oo leeyihiin ragga nala soo hadlay waa kuwii goobta loo diiday inay galaan oo ay la kulmaan (hudheelka shirku ka dhacay),” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cismaan.
Xildhibaanka oo la waydiiyey inay gole ahaan la socdeen safarka guddoomiyahoodu ugu baxay Turkiga iyo in kale, waxa uu ku jawaabay, “Guddoomiyuhu markii uu Itoobiya ka yimi kulankii Guddiga Doorashooyinku ku horyimaaddeen Golaha isaga ayaa iclaamiyey, subaxiinna (Salaasadii toddobaadkii hore) isagaa fadhiga guddoominayey, haddana Turkiga ayuu joogaa ayuun baan maqlay. Lama odhan karo hadday shaqo jirto meel ma tagi karo oo ku-xigeennadii shirguddoonka ee kale ayaa jooga, waayo berigii dhoweyd waxaannu lahayn xaq maaha in saddexda xubnood ee shirguddoonka iyo xoghayuhuba isu raacaan safar, waana in midkood joogaa marka goluhu shaqaynayo, markaa shaqo qaranku leeyahay wuu u bixi karaa oo taas waan ku raacsanahay, laakiin wax aan anigu ognahay ma jirto. Golaha muu weydiisan fasax caafimaad amma meel kale ayaan u baxayaa ma odhan, inuu qolada shirguddoonka u sheegayna ma ogi oo warkaasi wuu iga dhiman yahay.”
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in waxa keliya ee Guddoomiye Cirro ku metalayo Golaha Wakiillada yahay danta qaranka Somaliland, hase ahaatee wixii dambi ah ee uu galo isaga ayey ku koobnaanayaan, “Sharaftiisa ayey ahayd haddii uu safar casuumad ah u baxayo inay golaha cid ka weheliso; haddaanan ogayn ma hubo inay jireen safarro hore oo uu kelidii baxay, laakiin mushkilad ma laha hadduu kedis noqdo ama arrin xagga fiisaha ka timi tahay oo keli uu tagi karaa, balse golaha waxa uu ku metalaa wixii qaranka Somaliland u adeegaya. Hadday arrin kale oo khiyaamo ah tahay golaha kuma meteli karo, waana masuuliyad iyo dambi kelidii ku gaar ah, waxaanse leeyahay haddii arrintani jirto waa tii uu ku dhimanayey,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Md. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin.