Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maamed Daahir (Cukuse), ayaa Shacabka Deegaanka Masallaha ee Koonfurta Magaalada Hargeysa ugu bushaareeyey inay si degdeg ah u heli doonaan dhul kaga maqnaa Fidinta xayndaabka garoonka oo dhawaan ballaadhin lagu sameeyey.
Wasiir Cukuse oo shalay ka Hadlay Munaasibad Madaxweynuhu xadhigga kaga jarayey Mashaariic laga hirgeliyey Garoonka Cigaal International Aiport, ayaa sheegay in dhamaanba dadkaasi ay dhulkaas ma maqnaa beddelkiisii heli doonaan.
Wasiirka oo arrintaas ka Hadlay ayaa dadka ka codsaday inay degegga iska dhawraan, waxana uu dhegahooda ku riday weedho u muuqday qaar uu ugu duur xulayo Xisbiga Waddani oo dhawaan ka cadhooday Shir dhawaan Natiijo fiican kusoo dhammaaday, balse ay sugitaankiisa ka degdegeen.
Wasiirka oo arrintaas ka Hadlay ayaa waxa uu yidhi,
“Dadkii dhulku ka maqnaa waa la siinayaa Cidkasta oo dhismaha garoonka wax ka tebanaysay oo hanti ay leedahay kaga maqan tahay waa loo celinayaa, innaguna sidii aynu markii hore u niyad wanaagsanayn iyo kartidii aynu samaynay aynu lahaanno oo waxoogaa Degdegsiimaha aynu dib u dhiganno Haddaynu Axadda sugaynay oo ay Arbacada u dhacdo sidii raggii shirka ka kacay yeynaan noqonine aynu sugno.”
Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Shacabka degen deegaanada Garoonka Diyaaradaha ku xeerani ku deeqeen Kumanaan Kiilomitir oo dhulkoodii ah, si Xayndaabka Garoonku u noqdo mid fidsan oo mustaqbalka la isticmaalo marka loo baahdo.