Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Ahna Duqa Degmada Burco, Maxamuud Muraad
“Qur’aanka Ninka Akhriyayaa Inuu Saxayo & Inuu Khaldayo Waan Kala Aqaannaa, Ragga Qaarna Illaahay Baan Ku Dhaartee, Salaadda Ma Ka Goosataa Baan Is Idhaahdaa”
Hargeysa (Hubaal) – Maayarka degmada Burco Md Maxamed Muraad, ayaa si cad uga hadlay hab-dhaqanka qaar kamid ah culimaa’udiinka dalka oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan bulshada, kuwaas oo isku daya in ay xagga cilmiga diinta si marin habawsan uga mareen bulshada xilli ay qabyo badani ka muuqato dhinacooda. Maayar Muraad oo ka hadlayey madal arrimaha diinta lagaga doodayey oo wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu soo qaban qaabisay, ayaa tilmaamay inuu ku sigto kala sifaynta culimada maanta umadda hortaagan oo intooda badan lagu xanto inaanay diinta aqoon durugsan u lahay, “Haddii aan maanta la odhanaynin Maxamed Muraad, sidii Jamaal Cabdinaasir buu noqday waan dhexgeli lahaa culimada oo hoos baan ugu sii daadegi lahaa,maantana waxa magaalada ka furan intaas oo malcaamadood iyo intaas oo madarasadood.” Ayuu yidhi maayar Maxamed Muraad. Maayarka oo hadalkiisa sii wata si gaar ah carrabka ugu dhuftay dhibka xagga qur;aanka ka haysta qaar kamid ah imaamyada masaajidda tujiya oo aan sifo sax ku imanin masaajidda ay masuulka ka yihiin, waxana uu yidhi,“ anigu qur’aan yahan ma ihi, laakiin qur’aanka ninka akhriyayaa inuu saxayo inuu khaldayo waan kala aqaannaa. Ilaahay baan ku dhaartee ragga qaar baan is idhaahdaa maka goosataa salaadda.”
Mar uu maayarku ka hadlayey sida fudud ee dad aan diinta ehel u ahan masaajiddada loogu gacan geliyo, ayaa waxa uu yidhi,“marmarka qaarkood waxa dhacda inay dhacdo Eeddaday baa masaajid dhistayoo dabadeedna furihiisii ii dhiibtay iyaduna qur’aankaygu intuu yahay ma taqaanno, taasna waxa laga yaabaa inay fasahaad badani ka dhasho.”
Waxa uu Maayar Muraad oo isaga laftiisu kamid ahaan jirey culimada waaweyn ee magaalada Burco uu sheegay inuu kala shaandhayn lahaa culimada maanta umadda hortaagan haddii aanu cabsi ka qabin xagooda,“waan kala shaandhayn lahaa anigu yaa dadka tujinaya iyo yaa dadka qur’aanka u dhigaya waan farogelin lahaa, laakiin cabsi aan qabo ayaan u dhaafayaa.” Ayuu yidhi maayar Maxamed Muraad.