“Haddii Aan Ragga Qaarkii Ahaan Lahaa Waxan Odhan Lahaa Umadda Rabitaankeedii Waad Aragtaane Doorashada Kharashkeeda Inaga Daaya”

0
33

faratoon

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir(farotoon), ayaa ka dareen celiyey sida ay shacabka reer Somaliland ugu heellan yihiin ee u taageersan yihiin guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxana uu soo jeediyey inay haboon tahay in doorashada la iska dhaafo, maadaama ay shacabka muujiyeen cidda ay taageersan yihiin.

Wasiir Farotoon oo shalay ka hadlay magaalada Gabiley oo wafti uu guddoomiye Muuse Biixi hoggaaminayey oo uu isaguna kamid ahaa lagu soo dhaweeyey, ayaa ku indho daraan daray soo dhaweyntii loo sameeyey iyo tirada bulshadii usoo baxday, waxana sheegay  haddii aragtidiisa la qaadanayo inuu ku talin lahaa in kharashaadka doorashada la iska dhaafo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“maanta waxan xasuustay maalin aan xajka tegay oo aan xaramka ku sigtay, waana markii labaad ee aan arko umad sidaas u xamaasadaysan, haddii aan ragga qaarkii ahaan lahaa waxan odhan lahaa umadda rabitaankeedii waad aragtaane doorashada kharashkeeda inaga daaya.”

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Farotoon, ayaa waxa uu hadalkiisani marag ka yahay heerka ay gaadhsiisan tahay taageerada ay bulshadu u hayso guddoomiye Muuse Biixi oo u tartamaya jagada madaxtinimada ee waddanka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here