Haddii Aanu Qofku Marka Hore Guul-Darraysan Waxaa Dhab Ah Inaanu Guul Gaadhayn, Waayo Guul-darradu Waa Bilowga Guusha”

0
13

Khudbad Dhaxal-gal Ah Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Dhiiri-geliyey Ardayda Reer Somaliland

 

“Haddaad Imtixaanka Ku Dhacdo; Maaha Inaad Tidhaahdo Waan Is Dabayaa Oo Noloshaba Gidaar Madaw Baan Ka Fadhiyayaa, ee WAxaad Ogaataa Haddaad Maanta Dhacdo Berri Baad Kaalinta Koowaad Galaysaa”

 

Hargeysa (Hubaal) – “Arday-yahay waxaa innoo ballan inaad waxbarasho wanaagsan yeellataan, inaad ka wanaagsanaataan facii idinka horreeyey oo idinku aad annaga wax na sii dhaafisaan, aqoon iyo waxqabadba, waayo bani aadamku sidaas ayuu  u horumaraa. Qof walibana qofka ka dembeeya waa inuu kasii kordhiyaa ee maaha inuu qofkii hore uun sii eegto, markaa waxaa wanaagsan dhalinyaradu inay ku hammido wixii hore ee laqabtay wax ka badan oo ka wanaagsan inay qabtaan oo aanay wixii hore uun ammaanin”. Sidaasi waxa yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ka hor intii aanu madaxweynaha noqon ee uu murashaxa xisbiga KULMIYE khudbad uu dabayaaqadii bishii February ee sanadkii inna dhaafay ee 2017-kii  ka jeediyey xaflad   xadhiga lagaga jarayay   dhismeyaal lagu kordhiyey dugsiga sare ee suldaan Maxamed Suldaan Faarax ee xaafadda Masallaha ee magaallada Hargaysa. Khudbaddan ayaa Madaxweyne Biixi waxyaabaha uu kaga hadlay waxaa kamid ahaa qorshaha la doonayo in ardayda reer Somaliland in ay ardayda reer Somaliland ku hammido marka ay mustaqbalkooda noqoto, kuwaas oo uu ku dhiirigeliyey kamidho dhalinta hammigooda. Md. Biixi oo Xaflad furitaanka dhismaha dugsigan oo uu dharaartaas  ka qaybgalay  lagu dhagax dhigay dhismaha xeyndaabka (deyrka) dugsiga sare ee Suldaan Maxamed, kaas oo uu kharashka ku baxaya oo dhan 60,000$ (iyo qalabaynta 4 fasal) uu ku deeqay Guddoomiyaha/Musharraxii  Xisbiga Kulmiye   haatanna ah madaxweynaha Somaliland, waxyaabaha xusida mudan ee uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka hadlay ayaantaas waxaa kamid ahaa isaga oo ku ku dheeraaday qiimaha waxbarashada, islam arkaana  oo hoosta ka xarriiqay horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinaca waxbarashada. “Idinku waxaydun joogtaan Hargeysa oo intaas oo dugsi-sare leh, oo intaas Jaamacadood leh, annaga wakhtigayagii xataa dugsi qudh ah oo Secondary ah Hargeysi ma lahayn oo magaalooyin kale ayaannu dugsiga sare ka galnay,” ayuu yidhi Md. Biixi. Waxaana uu intaa raaciyey “Runtii may ahayn in dhisme deyr iyo qalabayn afar fasal intaas oo dhan la iiga mahadnaqo. Wax intaa ka weyn baa nalaga filayay oo da’dayda xil weyn baa nagu baaqday. May ahayn inay maanta hay’ado ajenabi ah dugsiyada carruurteenna inoo dhisaan. Waxay ahayd inaynnu innagu dhisanno” ayuu hadalkiisa raaciyay Md. Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale  waxaa uu md. Biixi ka hadlay qoddob muhiimaddiisa leh marka  laga shidaal qaato xilligan aynu ku jirno oo ay dalka ka socdaan imtixaannadii shahaadiga ahaa ee Somaliland, kaas oo uu madaxweynuhu da’yarta reer Somaliland farta ugu fiiqay in  guul ay ka gaadhaan ay horsed u tahay hammigooda rumaytiisa, taas badalkeedana ardayga uu nasiibku saacidi waayo  aanu ka niyad jabin guul darrada ee uu dadaalkiisa sii laban laabo. “xagga imtixaannada ardayda waxaa dhab ah in haddii aanu qofku marka hore ku hungoobin guusha oo aanu ku guul darraysan oo aanu guusha seegin in aanu guul gaadhayn. Waxaa la yidhaahdaa guul darradu waa bilowga  guusha. Nin kasta oo wax soo saaray oo wax cusub soo kordhiyey markuu tijaabiyey ee uu haddana tijabiyey ayaa uu markii dembe ku guulaystay. Markaa ardaygu haddii marka uu imtixaanka dhaco uu noloshiisiiba naco waa ayaan darro, waayo noloshu waa tijaabo,  ee haddii aad imtixaanka aad maanta dhacdo ku noqo. Ninka aad loo majeerto e e la yidhaahdo Ebraham Linkon ee maraykanka  oo dhami majeerto oo ahaa madaxweynihii ugu wanaagsanaa     ee addoomaha dalkaas xorreeyey. Ebraham talaabo kasta oo uu qaado oo aanu saddex jeer ku saaqidin ma jirto, waxbarashadii iskuulka saddex jeer buu dhacay, Jaamacadda wuu dhacay, Looyar buu haddana noqday oo wuu fashilmay, baayac mushtar buu hadana noqday oo wuu kacay, wuxuu doontay senator oo wuu dhacay haddana mar labaad buu kunoqday oo wuu dhacay, markii saddexaad buu ku guulaystay, kolkii dembena madaxweynuhu noqday oo uu ku guulaystay waxaanu noqday madaxweynihii ugu fiicnaa adduunka. Churchill ninka la yidhaahdo [raysal wasaarihii UK) ee ingiriiska oo dhami majeertaa lamid buu ahaa. Innagana reer Somaliland raga taariikhdaas oo kale lahaa waxaa kamid ahaa cali Sugulle oo inta ay is dileen macalinkiisii oo la yidhi imtixaankiibaad keeni wayday haddana maanta noqday nin maanta ugu cabqarisan soomaalida oo dhan ee suugaantiisa la majeerto, markaa maaha haddaad imtixaan ku dhacdo inaad tidhaahdo waan is dabayaa  oo noloshaba gidaar madaw baan ka fadhiyayaa ee haddaad maanta dhacdo berri baad soobaxaysaa oo aad kaalinta koowaad galaysaa, waxaanad ogaataan in aanu jirin qof maalin walba kaalinta koowaad gala oo la ammaano”. Sidaas  ayuu ku  yidhi Madaxweyne Muuse Biixi khudbada uu dugsigaas ka jeediyey 27kii bishii February 2017, taas oo nuxur ahaan ujeedada aanu u milicsannay ee aanu akhristayaasha ugu soo gudbinay uga dan leennahay sidii ay bahda HUBAAL uga qayb qaadan lahayd kobcinta iyo kalsooni siinta ardayda reer Somaliland ee toddobaadkan u fadhiya imtixaanka shahaadiga ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here