“Haddii Ay Sijaayad & Dacas Ii Yaalleen Wasaaradda [Caddaaladda] Maan Doonan Oo Askar Baa La Dhigay Ee Meesha Ma Qasnad Baa Ku Aasnayd?”

0
39

Xuseen Axmed Caydiid  Oo Saaxad Wasaaradda Caddaaladda Ka Baxsan Xilkii Ku Tiriyey+Khudbad Tawaawac U Badnayd Oo Uu Madasha Ka Jeediyey

Hargeysa (Hubaal) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid, ayaa madal uu xilkii wasaaradda ku wareejinayey si weyn ugaga cawday Tallaabooyin uu sheegay in xukuumaddu kula kacday kadib iscasilaadiisii uu dhawaan shaaciyey, waxana uu sheegay in loo diiday gelitaanka Xafiiskii uu wasiirka ka ahaan jirey. Xuseen Axmed Caydiid waxa uu su’aal ka keenay sababta xafiiska looga hor istaagay, isagoo intaas ku daray Agabyo uu si gaar ah u lahaa oo xafiiska ka yaallay aanu doonanin, “Xafiiskaygii Xoghayntii baa loo diiday inay u shaqo tagto askar baana la hor fadhiisiyey, maxaa yaalla ee aan guranayey, ilaa imika shay aan kaga tegay haddii ay sijaayad iyo dacas ii yaalleen maan doonan, meeshu ma baan bay ahayd oo qasnadaa ku aasnaa. Arrintaasi meel-ka-dhac bay ku tahay xeerkii dawladnimo.” Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid. Wasiirkii hore ee Caddaaladu waxa uu sheegay in xilka uu wareejinayo aanu haynin, isla-markaana sida uu aaminsan yahay xoog lagaga wareejiyey, waxana uu yidhi,“saaka waxan wareejinayaa xil aanan haynin oo xoog lagu qaaday, laakiin waxan sidaas u yeelay umadda qaar baa u arki kari lahayd in meel aan ka maarmay aan isku sii dhejinayo, waxana aan idhi Eedda kii doonaaba ha qaatee Saxeexana raaci.” Cabashada wasiirkan hore ayaa ka dambaysay Amar dhinaca xukuumadda kasoo baxay oo Xarumaha wasiirradii iscasilay loogu diidayo inay dib usoo galaan, taas oo dadka qaarkii u qaateen in lagaga hor tegayo gacan-togaalayn ay kula kacaan Hantida ay masuuliyadeeda iska wareejiyeen kahorta inta aan si rasmi ah loogala wareegin.aWasiirkii Hore iyo Wasiirka Cusub ee Cadaalada oo xilkii la kala wareegay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here