“Haddii Dalka Doorasho Ka Dhici Waydo Waxa La Rabaa Inaanay Wanaag Iyo Nabadi Ka Dhicin Wadanka”

0
25

Hargeysa(Hubaal):-Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa ka digay in la abuuro wax xaalad ah oo keeni karta in dib loo dhigo doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sanadka soo socda.

Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu sheegay inaanay marnaba aqbali doonin mudo kordhin loo sameeyo xukuumada haatan talada dalka gacanta ku haysa, waxaanu  ka soo hor jeedsaday go,aankii ay golaha guurtidu ku hakiyeen xeerka  diwaan gelinta madaniga ah isla markaana fasaxa ku galeen.

cabdirashiid-mataan Ugu horayn Cabdirashiid Xasan Mataaan oo ka hadlaya  go,aankii golaha guurtidu ku hor istaageen xeerka diwaan gelinta madaniga ah ayaa waxa uu yidhi “ guurtidu  xeerkii laga heshiiyey  ee ay ahayd inay ku socoto oo ay tanaasul badan ka sameeyeen xisbiyada mucaaridka ahi barnaamijkaas diwaan gelinta iyo sida loo galay, iyaguna iyaga oo fasax tagaya hadana ay dib  celiyeen waxyaabaha ay u celiyeena aanay ahayn wax muuqda, waxaanan u aragnaa guud ahaan ama xukuumad ha noqoto ama baarlamaan ama guurti inay tahay wax la rabo in umadan lagu duudsiiyo xuquuqdoodii ahayd xuquuqda doorashada, markaa haddii dalka doorasho ka dhici waydo waxa la rabaa inaanay wadankan wanaag iyo nabadi ka dhicin, waayo wadankan lagu xukumi maayo dhaxal iyo isku kordhis midiba mid u kordhiyo oo dadkana riwaayad looga dhigo shuruuc lala habsaamo ama shuruuc dib loo dhigo ama shuruuc kolba laysku cel celiyo.”ayuu u sheegay Kalsan Tv

Sidoo kale musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu sheegay inaanay marnaba aqbali doonin in wax mudo kordhin ah loo sameeyo xukuumada haatan jirta waxaanu yidhi “Wax mudo kordhin ah oo xalaalooba kartaa ma jirto, guurtida 80% waxay ku fadhiyaan dhaxal waxaanay fadhiyaan 21 sanadood, wax ay xalaalayn karaan oo kordhis ahina ma jirto waa haddii ay rabaan inuu dalkani nabad wanaag iyo dimuqraadiyadii laga rabay ku sii socdo,  iyaga ayaana loo baahan yahay inay meesha ka baxaan oo la badalo,  Siyaad Bare 21 sanadood  ayuu dalka xoog ku haystay umadanina way diiday  kuna sii fadhiyi maayaan guurtida laftoodu haddii aanay diyaar u noqonayn in dalkan nabadiisa iyo dimuqraadiyadiisu ay hir gasho  suurta gal noqon mayso in laysku haysto xoog.”

Ugu danbayntiina waxa uu ku baaqay in dadkan loo diyaariyo doorashooyinkii ay xaqa u lahaayeen waxaanu yidhi “Dadkani waxay u baahan yihiin in loo diyaariyo doorashooyinkii ay xaqa u lahaayeen, waxaana jira duruufo la abuurayo oo la doonayo in dib loogu dhigo doorashooyinka, umadana ogolaan mayso anaguna ogolaan mayno.” Ayuu yidhi musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here