“Deraasad Tifaftiran Oo Sharraxaysa 18 Astaamood Oo Qofka Dhiigiisu (A) Yahay Dabeecad U Ah iyo 5 Qoddob Oo Uu Jecel Yahay”
Qofka aadaamaha ah waxa shidaal u ah dhiigga oo uu ku shaqeeyo, la’aantiina ma noolaan karo. Haddaba waxa aan halkan ku falanqayn doonaa nooca dhiiga qofku leeyahay iyo saamaynta uu ku yeesho dabeecadihiisa, waxaana halkan aynu ku soo ban dhigi doonaa saddexda nooc ee ugu mihiim san dhiiga kuwaas oo kala ah A, B iyo O, iyaga oo kuwaasi ka dhanbalmaya noocayda kale ee ay wax raacsan yihiin, Tusaale ahaan Qofka dhiigiisu A yahay waa:
Qof dabeecad xun oo gar darro yar.
Qof jecel kelinimada ama dadka kooban
Qof kuma daaro’e hay daarin ah
Qof aan sheeko yaqaan ahayn
Qof murugo badan oo aan dul qaadan Karin dhibta yar
Qof xarrago badan oo lebis wanaagsan
Qof khajilaad badan oo xshood badan
Qof aan Hunguri badnayn, Waqtiyo gaar ah iyo meelo gaar ahna ku gam’a
Qof wax kastaa u nidaamsan yihiin sida goobta uu seexdo, xafiiskiisa shaqada IWM.
Qof in badan ka werwera shaqada u taalla
Qof haddii uu bun cabbo ama jaad cuno aan hore u seexan.
Qof haddii uu qayillo werwera ama khaakhaayiraaddu ku badan tahay
Qof u inta badan u baahan in laga warhayo cuntadiisa waayo haddii uu gaajoodo uma adkaysto.
Qof ay ku badan yihiin xanuunnada Wadnaha, Kansarka, Cillada Caloosha ama khalkhal kaga yimaada raashinka kala duwan ee ay cunaan.
Qof telefoonka u soo dhaca intaanu qaban ka fikira farriinta loo sheegi doono, ama is weydiiya waxa soo kordha, ha ugu sii darnaataba telefoonka uga yimaada dhiinaca gurigiisa.
Qof aan jeclayn ballamaha rasmiga ah, haddii uu ballan leeyahayna sida ugu wanaagsan u oofiya.
Dhinaca toganna waa dadka dhiigoodu A-da yahay waxa ku badan dadka Maskaxa Wanaagsan (High IQ), waxaana ka soo dhex baxa Cabqariyiinta, hase yeeshee qofkani inta badan ma noqdo Hoggaamiye ama kama soodhex baxaan hoggaamiyeyaashu.
Xagga guurka Waxa qofka Dumara ee Dhiigeedu A yahay lagu tilmaamaa in ay ka soo dhex baxaan qaar aan qurux lahayn ama fool xun
Maxay Jecel yihiin?
Dadka dhiigoodu (A) yahay waxa ilaahay ugu talo galay oo ku haboon dhiigooda iyo habdhiska jidhkooda in ay cunaan khudaarta (vegetarian diet) mase jeclaa hilibka iyo caanaha.
Waa dad jecel akhriska iyo qoraalkaba waxbarashadana ku fiican
Waa Dad jecel yihiin daawashada Barnaamijyada TV-ga ee madadaallada iyo qosol-qosolka ah
Waa dad jecel deegaannada ili qabatinka leh ee dabiiciga ah sida durdurrada biyaha ee ay shimbiruhu ka heesayaan iyo dhirta barwaaqada ah.
Waa dad nabadgelyo jecel, oo inta baadan ka dheerada khilaafka.
Lasoco qaybta labaad ee Qormadan oo ku saabsan dadka Dhiigoodu B-da yahay iyo Astaamahooda
Prof. Cadbirashiid Yuusuf Gaaxnuug
Khaalid2005@gmail.com