“Haddii Guddoomiye Cirro jawaab ka bixin waayo hadalkii Siciid Sulub waxaanu u aragnaa in aanu Cod doonayn” Guddida Horumarinta Beesha koonfur-barri Hargeysa

0
28

Guddida Horumarinta Beesha koonfar-barri Hargeysa oo Xisbiga Wadani dhabarka ujeedisay

Hargeysa(Hubaal) Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Beesha Ciidagale Caaqil Rashiid Maxamed Jaanbiir iyo Ku xigeenkiisa oo Shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada hargaysa ayaa shacabka somaliland Xaal ka siiyay Hadalka ka soo yeedhay Siciid Sulub oo ka tirsan xisbiga wadani.

 

Waxa ay shegeen in siyaasadii Xisbiga Wadani kusoo Uruurtay In ay wasaarada Duulista laga soo Raro Madaaraka Hargaysa.

Sidoo kale waxa Ay guddoomiyaha Xisbiga wadani usoo jeediyeen inuu Xaal ka bixiyo hadii kale aanu shacabka somaliland Cod ka wada heli Doonin.

 xisbiga Waddani

Sidaas caaqiladu waxa ay ku sheegeen shi Jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada hargaysa waxaana ay yidhaahdeen.“Wadanka somaliland Tuulooyin Kooda iyo Degmooyinkooda dalka waa iskugu mid, Lakiin inuu Siciid Sulub yidhaa may ahayn Markaanu ku Guulaysano Talada dalka wasaarada Duulista Halka ay ku taalo waanu kasoo raraynaa, Arintaasina waxa ay iila Muuqataa in ay Barnaamijka Xisbiga Wadani yahay marka ay talada ku guulaystaan in ay Xidhaan Madaarka Hargaysa taasina wax laga qorayo Maaha.” Ayuu yidhi Rashiid Maxamed Jaanbiir

 

Guddoomiyaha Gudida Horumarinta Beesha Ciida gale Caaqil Rashiid Maxamed Jaanbiir oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas waxa uu ku daray.“Arintaasina waxa ay ila tahay uun wixii afkiisa ku jiray siciid sulub ayuunbuu yidhi laakiin arinkaas waxba kama suuroobi Doonaan, Barnaamijka Siyaasadeed ee xisbiga wadanina Meel ayuu kaga dhacay, waxaanan odhan lahaa cayda laysku Marinayo Warbaahinta ma fiicna, Arinta Mudo kordhinta ee la sheegayo inuu Madaxwayne Siilaanyo Kordhisanayana waxaan odhan lahaa arinkaas waxba kama jiraan ee Madaxwaynuhu waxa uu diyaar u yahay Doorasho.

Dhinaca kale waxa uu caaqilku ka hadlay Mudo dhaafka golaha wakiilada iyo Guurtida kaas oo ku tilmaamay Xildhibaano Fadhiya Toban Sano waxaana uu yidhi. “Golaha wakiilada cid ka hadlaysa Arki Maysid waxaana ay xildhibaanadu Fadhiyaan Toban Sano, waxaana kasii daranba Golaha Guurtida oon Iyana fadhiya in gaadhaysa 10 Sano oo la moodo Dhaxal Tooyo la iska dhaxlayo oo ninba Nin badalayo, Sharci ay leeyihiina Ma jiraan Sidaasi daw maahee Shacabku iyana hoos ha u eegaan.Waxaan odhan lahaa dawlada Maxay u odhan wayday Doorashada Baarlamanka yaan maalin lagu darin Inta ay xildhibaanadu leeyihiin Yaan Maalin Madaxtooyada lagu darin.” Ayuu yidhi

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Beesha Ciida gale oo isaguna kulan kaasi ka hadlay ayaa sheegay in siyaasada xisbiga wadani ay tahay in madaarka Halka uu ku yaal laga raro isla markaas ay shacabka somaliland Arintaasi ku noqotay fajiciso waxaana uu yidhi “Madaarku waxa uu ku haboon yahay in wasaarada la’ag Keeno, Wasiirku Waa kaas keenay, lakiin Siciid Sulub waxaan leeyahay Qorshahaasi wuu fashilmee mid kale la kaalay, waxaanu leenahay Maamulku inuu dadka wada gaadho weeyaan, laakiin maaha inuu Cid kaliya uun gaadho, anagu xisbi uma hadlayno waxaanu nahay dadka deegaanka waxaanu la yaabnay sida uu hadalku afkiisa uga soo baxay ninkaas siyaasig ah” ayuu yidhi

Guddoomiye ku xigeenka Gudida Horumarinta beesha Ciida gale oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas waxa uu raaciyay “Xisbiga wadani hadii uu beenin waayo hadalkaas waxaan u aqoon san doonaa inaanu shacabka somaliland qaybo ka mid ah Cod ka Doonayn, hadalka guddoomiye ciro waan dhagaystay oo mid wanaagsan ayuu ahaa, laakiin waxa uu ahaa inuu beeniyo hadalka siciid sulub ku kacay oon meesha leekayn, mucaaradka waxaanu leenahay inadeer mucaarida, laakiin wixii dalka khal-khal galinaya ka daaya Ayaan odhan lahaa.” Ayuu yidhi

Hadalkan salaadiinta kasoo yeedhay waxa uu ku soo beegmayaa xili ay maalin dhaweyd hadalka ka soo yeedhay Siciid Sulub waxaana ay ku tilmaameen Hadal aan meesha lahayn.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here