Arrinta muddo kordhinta marka laga reebo maatida afka loo galiyey abaar baa jirta ee aan dawladnimada wax badan ka fahamsaneyn, in badan ayaa faa’ido u aragta.
Madaxweynaha marka laga reebo iyo in xukuumadda ka tirsan oo aad u tiro yar, inta kale waxa ay rabaan muddo kordhin. Waayo xilligani waa xilli nin musuq iyo wax is-daba-marin doon ahi uu si fiican uga faa’ideysan karo.
Ciddii rabta in ay wax boobto, maanta oo kale waa u mubaax, sababta oo ah la xisaabtan dawladdeed ma muuqdo, waa nooc fawdo oo kale ah, iyo wakhti kala guur ah, oo dhiisha la kala buuxsanayo. Waana ta keenaysa in dad badan oo xukuumadda ka tirsani u sacab tumaan muddo kordhin.
Kuwaasi waa inta og in doorasho dan ugu jirtaa jirin, waayo wasiir baanu dib u noqonneyn iyo masuul dawladdeed toona. Dhankaa marka la eego muddo kordhintani waxa ay fasixi doontaa in hantida dawladda sidii la rabo loo boobo.
Waddani isaga guul baan u muuqan, oo wali waxa uu arkayaa in dan doorasho wakhtigan ugu jirtaa aaney jirin. Waxa se ay hoosta ka heshiiyeen inta rabta in ay wax boobto, oo maanta xisbigaa mucaaridka ahi waxa uu kaalmaynayaa boob ummadeed!
Ucid waa uu dhismayaa oo waxa uu ka soo kabo is leeyahay Faysal dhibkii xisbiga gaadhay. Halkaa xisaabta ku jirtaa se waa mid uu Waddani ilduufsan yahay. Ucid oo soo noolaataa cidda ugu horreysa ee ay wax yeelaysaa waa Waddani.
Waxa iyana jira labada gole (Guurtida iyo Wakiillada) oo aan doorasho maqli karin aadna uga naxa! Kuwaasi waa ay soo dhaweynayaan. Intaasi markii ay israacday ayuu hugunkan abaartu afuufmay. Abaarta ba’an ee dadkeena haysa, inta laga naxsaday ma ogiye inta kale ee aan kor ku soo sheeggay nin dan ka leh ma jirto.
Haddii muddada la kordhiyo, cid wal oo hadda abaar sheeggaysa dib loo arki maayo, boobkaa iyo daneysigaa ayey dhammaantood ku jeedsan doonaan. Abaar loo gurmado iyo dad masaakiin ah oo laga fikiro la arki maayo ee raqda cunisteeda ayaa loo wada xaydan doonaa.
Cidda maanta muddo kordhin ogolaatay, waa cid ogol in hantideeda la boobo, oo musuqu cirka isku shareero. Cid kale oo iyana DP World iyo dawladda Imaaraadka ka faa’ideysaneysa ayaa jirta oo lacag sugayaal ah. Qaar saldhigyo ciidan ku fooganna waa ba la ogyahay.
Alla iimaan la’aanta ha innooga sahlo e, qolooyinka Kornaylada ah ee soo kifaaxay waxa aan odhan lahaa, dalka waa loo tashaday e, yaanu idinka hoos bixin, rag wax ay cunaan, wax ay xadaan, iyo musuq ku abtirsada yaan loo dabcin ee yur dhaha, oo yac dhaha oo yaanu waraabuhu marnaba guuleysan.
Haddii se maanta hungurigu idinka adkaado, oo musuqu badiyo, waxa hubaal ah in mar walba ay inta badani qatan tahay, oo ay la socdaan sida wax loo boobayo, kuwaas ayaa idiin hiillin waa haddii maanta dulinka muddo kordhinta rabaa guuleysto eh.
Mohamed Hagi