“Haddii Musharax Sacad Muuse Ah la doonayo, Anigaa Musharax ah ee Ninka I reebayoow kaalay, haddii Xisbi-nimo la isku sharaxayana Kulmiye waxaa u musharax ah Madaxweyne Siilaanyo”

0
20

Hargeysa(Hubaal) Guddoomiyaha Saddexaax ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Guray ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamaed C/laahi ku Eedeeyey in uu Xukuumadda kula safan yahay sidii ay doorashooyinku dib ugu dhici lahaayeen.

Sidoo kale Waxa uu sheegay Inaanu Madaxwaynaha somaliland Waxba ka ogayn Xisbiga Kulmiye ee musharaxyo kale ka dhex guuxayaan Xisbiga waxaana uu yidhi.

“Waxaan u sheegayaa haddii Musharax Sacad Muuse Ah la doonayo, Anigaa Musharax ah ee Ninka I reebayow kaalay, Mar haddii Qolonimo iyo Reer-nimo la isku soo sharaxayo Anigaa Musharax ah. haddii Xisbi-nimo la isku sharaxayana Kulmiye waxaa u musharax ah Madaxweyne Siilaanyo, Ucid-na Jamaal,sidaas baanan u sheegayaa kuwa waxaas wada”

 Cali-Guray11

dhanka kale waxa uu Cali Guray dadka doorashada caqabadaynaya ku daray Gudoomiyaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro,isagoo sheegay inuu qayb ka yahay hawlaha doorashada carqaladaynaya

“Anaga (Ucid) iyo Waddani waanu wada soconaa,waxaanu nahay Doorasho u joog laakiin, waxaa Nasiib daro ah Gudoomiyaha Waddani waxaad moodaa inay Xukumadda wada socdaan oo ay wax kale isku Ogyihiin oo aan ahayn waxa ay isku Ogyihiin Waddani iyo Ucid oo ah Doorasho.Gudoomiye Cirro isagaa Gudoomiyihii ahe waxaanu filaynay inuu doorashada nala Riixo oo isagaa dadka la haysto ka mid ahe uu is baraxo laakiin, aad baanu uga xunahay Xukumaddan,Guurtida iyo Wakiilada oo Xeerkiina isku dhex wareejinaya oo midba mid ka kale ku riixayo,Komishankii inuu hawshiisa galena iyagu ka hortaagan” ayuu yidhi Cali Guray

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here