Cabdiraxmaan Cirro Oo Tumay Durbaan Collaadeed Oo Ummada Xasuusiyey Taariikh Madow Oo Ay Soo Martay
“Haddii Sawirro La Isku Maxkamadeynaayo Waxa Ay Ila Tahay Muuse Oo La Sawiran Xasan Sheekh, Isna Waa La Maxkamadeyn Doonaa”
“Ninkaa La Kulmay Ninka Ee Xamar Geynaya Dadka, Ayaa Ka Dhow Muuse Biixi Oo Leh Dadka Aakhiro Ha Loo Diro”
Hargeysa(Hubaal):-Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), ayaa weedho naxli huwan ku weeraray dhigiisa ahna guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, kuwaasi oo la xidhiidha waqtiyo hore loo soo dhaafay. Cabdiraxmaan Cirro oo shalay u warramay HCTV waxaa kale oo uu si dadban u qirtay eedaha loogu jeedinayo in weftigii uu horkacayay ee Kenya tegey ay kulamo la qaateen raysal wasaaraha Soomaaliya, isaga oo si difaac u muuqata ay afkiisa uga soo baxday in haddii uu ay la kulmeen cid Xamar geynaysa dadka reer Somaaliland ay ka khatar badan tahay cidda uu kueedaynayo dagaalladii Sokeeye eedalka ka dhacay oo uu sheegay in ay haboon tahay in la maxakamadeeyo isaga oo u duur xulaya musharraxa KULMIYE. Hadalka ka soo yeedhay Cabdiraxmaaan Cirro waxaa kale oo uu ku soo faqay dhacdooyin aanu cadayn u haynin oo uu sababtooda ku eedeeyey Muuse Biixi.
“Waxa ay ila tahay in ay ayaan darro tahay in dad ay qoyan tahay hagar daamaddii iyo dhibbaataddii ay dalka u geysteen oo ay muuqdaan xabaalahii shacbigii la gumaaday oo Khayriyadda Hargeysa ka lahaa aniga oo wax dili kara duco qaadan maayo in ay maanta cid ku eedeeyaan Maxkamad ha la soo taago, haddii cid Maxkamad la soo taago waxa cad kuwii dadka laayey raadkii uu Muuse jid gooyada u galay Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, qof wali ba wuu og yahay. Markaa walaaleyaal Muuse dadka waxa uu lee yahay aakhiro ayaan u dirayaa, waxa halkan jooga hawl-wadeenaddii Xisbiga ee dhaawaca loo geystay ee la doonaayey in la bajiyo, markaa waxa aan is lee yahay nin baa nin la kulmay oo Xamar geynaaya dadka waxa ka dhow malaha ka leh aakhiro ayaan u dirayaa ee ha la laayo oo isagu wuxu lee yahay dadka ha la laayo.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:
“Safarkayagii waxa uu ahaa safar gurmad Somaliland ah oo aan waxba ku badhxanayn, ragga meesha maraayey maaha rag Somaliland loogga shakiyaayo, anigaa maraayey, Maxamed Biixi Yoonis baa maraayey, Xirsi Cali Xaaji Xasan baa maraayey, Cabdirisaaq Khaliif baa maraayey, Maxamed Cismaan Fadal baa maraayey, Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaa maraayey, waxa ay ila tahay qofna Somaliland loogga shakiyi maayo, taariikhdeeda na malaha.”.
“Waxa ay ila tahay haddii sawiro la isku maxkamadeynaayo imika ba website yada iyo facebook yada waxa yaala Muuse oo la siwan Xasan Sheekh , sawir meel lagu dhajiyey waxa ay ila tahay isna waa la Maxkamadeyn doonaa haddii sawir la isku Maxkamadeynaayo , waxa aan qabaa umadda yaan la dhalan habaabinin, waa la tartamayaa, sheekooyinkii berigii hore socon maayaan oo garoon xaadhan baanu rabnaa in aynu ku tartano.”.
“Waxa aan lee yahay Muuse taariikhdaadu way cadahay, taydu na way cadahay oo dalkan badbaadadiisa ayaanu doonaynaa oo Xisbigu Xisbi bedbaado weeye, waxa aanu diyaar u nahay in aynu tartano, shacbigu na way ka ilbaxeen shugux shuguxdaa la tumaayo, shacabka reer Somaliland na waxa aan lee yahay way idiin kala cadahay ka dalka badbaadinaaya, ka dalka mideynaaya, ka shacbiga isku tolaya iyo ka shacbiga qeybinaaya ba.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).