Wasiirka Wershadaha Somaliland Oo Madaxweyne Siilaanyo Ka Difaacay Eedo Cabdiraxmaan Cirro Ku Duray Xukuumaddiisa
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka wasaaradda wershadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse ayaa jawaab ka bixiyey hadallo kasoo yeedhay guddoomiyaha golaha wakiillada ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaasi oo xukuumadda uu hoggaamiye madaxweyne Axmed Siilaanyo ku tilmaamay mid bulshada u horseeday tahriib. Shucayb Maxamed Muuse, wasiirka wasaaradda wershadaha Somaliland oo arbacadii xafiiskiisa ugu warramay warbaahinta dawladda ayaa yidhi “waxaan rabaa inaan ka hadlo guddoomiyaha golaha wakiillada ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo xukuumadda ku maagaya inay tahay xukuumad sii tahriibaysa” sidaa ayuu yidhi wasiirka warshaduhu, waxana uu intaa ku daray oo uu yidhi “hadalkaas jawaabtiisu waxaa weeye Xaasha’e wadanka waxaa xukuma madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo muddo dheer halgan qadhaadh u soo galay sidii JSL ay xornimadeeda iyo madaxbanaanideeda ay u soo ceshan lahayd, taas oo dhiig badani ku daatay hanashadeeda, isla markaana Somaliland aqoonyahankeedii iyo culimaau diinkeediiba loo xasuuqay. Halgankaas ka dib waxaa Somaliland sharaf u ah in maanta uu Md. Siilaanyo Madax u yahay oo uu hoggaaminayo”. Wasiirka wasaaradda Wershadaha Somaliland Mr. Shucayb Maxamed Muuse waxaa mar uu si gaar ah uga hadlayay shakhsiyada siyaasadeed ee guddoomiye Cirro uu yidhi “cabdiraxmaan Cirro waxaa uu wadanka yimi isaga oo dhisan oo dawladi ka jirto, nidaam iyo kala dambeynna leh, Siilaanyo oo uu maanta ku sheegayo in dawladdiisu sii tahriibaysaana wuxuu u soo maray dhib iyo waxyaabo aan laga sheekayn Karin haddii taariikhda dib loo raaco maanta oo Somaliland taariikh wax isku siinayso, nin walib a waxa uu wadanka u soo galay waa la yaqaannaa” ayuu yidhi wasiirka wershaduhu.