“Hadduu Uu Madaxweynuhu Xilka Iga Qaadayo Xaq Waxaan U Lahaa In Siduu Digreeto Iigu Magacaabay Iigaga Qaado”

0
10

Guddoomiye-ku-xigeenkii Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka

Hargeysa(Hubaal):-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi ayaa dhawaan xilka gudoomiye ku xigeenka hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha u magacabay masuul cusub iyada masuulkii hore u hayey aan la xusin in xilkii laga qaaday. Haddaba Khadar Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo hore u hayey masuuliyadan ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo masuulka cusub ee loo magacaabay booskii uu hayey iyada oo aan la shaacin xil ka qaadistiisa, waxaanu yidhi “Madaxweynaha somaliland waxa uu ii magacaabay gudoomiye ku xigeenka hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha, warsaxaafadeedkii ugu dambeeyeyna waxa ku soo baxday in booskaygii loo magacaabay ruux kale iyada oo laga dhigay inaanay cidiba joogin,xaqna waxaan u lahaa haddii uu madaxweynuhu xilka iga qaadayo inuu digreeto madaxweyne siduu iigu magacaabay ee uu yidhi Khadar Cabdilaahi Cali Jahwar waxaan u gartay inuu gudoomiye ku xigeen noqdo hadana uu u yidhaahdo waxaan u garan waayey xilkii, waana inuu madaxweynuhu warsaxaafadeed ka soo saaro.”ayuu yidhi Khadar Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo la hadlay Eryaltv. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay inuu ilaa hada hayo xilkii uu ku magacawnaa waxaanu yidhi “Waxaan anigu arkaa inaan ilaa hada ahay gudoomiye ku xigeenka hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha maadaama aan sifo sharci ah loo soo marin booskaygii, magacaabista qofkaas loogu soo magacaabayna aanay ahayn mid aan anigu aqoonsanahay, waxaanan aqoonsanahay oo kaliya marka magacayga warsaxaafadeedka lagu soo saaro ama madaxweynuhu shaaciyo inuu xilkii iga qaaday, Sifo sharci ah marka lay soo maro sifaha sunaha dawladnimada  ayey ka mid tahay xil qaadistu laakiin magacaagii oo la qariyo sidii qof  dhintay ama  boos aan jirin laga soo qaado meesha ma taalo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay  inuu jiray khilaaf u dhaxeeyey gudoomiyaha hay’adda barakacayaasha iyo qaxoontiga kaas oo uu filayo inuu keeni karo xil ka qaadis lagu sameeyo waxaanu yidhi “Madaxweynuhu aniga iyo gudoomiye ayuu hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha noo magacaabay dabadeed gudoomiyihii ayaanu isku dhacnay kaas oo samaynayey awood sheegasho tagri fal ah isaga oo cunsurinimo kula kacay aniga iyo shaqaale ka soo jeeda beeshayda, laba agaasime waaxeed oo reerkayga ah ayuu badalay waxaanu ku badalay laba reerkooda ah isaga oo OG I siiyey, markii aan ku idhi igalamaad tashane maxaad OG ii siisay, waxa uu igu yidhi meeshan aniga ayaa maamule ka ah, isaga oo adeegsanaya awood sheegasho kuna tagri falaya awoodii maamul, anigu saxeex maan lahayn, jeegna maan qori jirin, madaxweynuhuna awoodi waxa uu wada siiyey gudoomiyaha isaga xataa u dhiibay maamulkii iyo lacagtii.”

Khadar Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Aniga oo gudoomiye ku xigeena ayuu gaadhay inuu shiidaalka ii saxeexo oo uu yidhaahdo konton litir ayaad todobaadkii qaadanaysa, aniga iyo xaafadiisa ayaa isku shiidaal ahayn, isaga oo  maalintii afar boqol oo litir oo shiidaal ah qoraya, waxaanan u arkay inay madaxweynaha hoosta ka midaysan yihiin oo ay ka wada socdaan, intaas ayaanan isku qabanay oo aan filayaa in laygu badalay.”

Sidoo kale Khadar Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar ayaa sheegay inaanay madaxweynaha is arag kana wada hadalnay khilaafka u dhaxeeyey gudoomiyaha waxaanu yidhi “Aniga madaxweynuhu iima yeedhin oo imuu odhan maxaad isku haysataan ileen digreeto madaxweyne ayaan ku magacaabanahay oo nin la siman ayaan ahay, xuquuq iyo xaqna waan leeyahay, madaxweynuhu inuu khilaafkayaga xaliyo ayey ahayd laakiin isaga oo aan madaxweynuhu ii yeedhin oo aanaan is arag inuu booskaygii ka soo qaado mid banaan oo uu yidhaa waan badalay isaga oo aan aniga ila tashan isaga oo aan I waydiin maxaad isku qabateen, madaxweynaha marka aanu isku nimaadnana waanu iska qancinaynaa, ilaa imikana madaxweynaha ismaanu arag, Waxaan u haystaa in xil ka qaadistayda aanu madaxweynuhu ogayne ay meel ka sokoysa ka soo baxday ayaan aaminsanahay marka aan eego sida magacayga looga qariyey in saxaafada lagu shaaciyo.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here