Hadhaagii Kooxda Khaatumo Oo Kala Daatay , Xubnihii Ugu Miisaanka Cusla Oo Somaliland U Soo Go’ay Iyo Calaacalka Nin U Hadlay Kooxdaasi

0
18

Hargeysa (Hubaal) Hadhaagii kooxda Nabadiidka ah ee  Khaatumo,ayaa sii kala daatay ka dib markii sida wararka laga helaayo deegaanka War Cibraan ay Xubno ka mid ah kuwii ugu miisaanka cusla ee ugu firfircoona Kooxdaasi nabadiidka ah ee Khaatumo oo  u soo jeeda dhinaca Hargeysa ay halkaasi kulamo ku la qaateen Cuqaasha iyo wax garadka deegaankaasi iyada oo sido kale Isimadda iyo Cuqaal kooxdaasi hore u teegeeri jiray oo deegaankaasi miisaan ku lihi ay sida la sheegay weftigaasi Hargeysa ku soo jeeda ee  kooxda Khaatumo ka soo goostay ka mid yihiin.

 KHAATUMO

Waxa Shir Jaraa’id oo uu qabtay nin isku magacaabay in uu yahay Guddoomiyiha Baarlamaanka  Kooxda Khaatumo lana yidhaahdo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan,uu sheegay in  todoba Xubnood oo kooxdaasi k tirsana ay kulamo la yeesheen Isimada iyo waxgaradka deegaanka Warcibraan ee gobolka Togdheer,kuwaasi oo uu sheegay inay ka mid yihiin xubno kooxdaasi ka tirsanaa oo Magaaladda Hargeysa ku soo jeeda, isaga oo sida uu ku dooday sheegay in aanay iyaga metelin.

Ninkan Sheegtay in uu yahay  Guddoomiyiha Baarlamaanka  Kooxda Khaatumo lana yidhaahdo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan oo arimahaasi ka hadlaayey waxa uu yidhi “Halkan waxaan maanta kaga hadlayna niman 7-ba ah oo magaaladda Buuhoodle maanta (shalay) si tuugo ah uga baxay, tegayna magaaladda la yidhaahdo war Cibraan halkaasi oo ay kula kulmeen xubno ka tirsan golayaasha dhaqanka ee  Somaliland aanay kala hadleen arimo nabadgelyo iyo kuwo iyaga u gaar ah oo dano iyagu ay si khaas ah  udoonayeen ah, waxaan u sheegayna Somaliland in aanay ragaasi anaga na metelin ciday xeer iyo xaajo toona u galaana aanay jirin oo iyaga iyo kuwii ka sii horeeyey ee hargeysa jooga midna nagama wakiil aha ee waa dad nafahooda u xoogsi tegay”

Waxa uu intaasi ku daray ninkan u hadlay hadhaaga Kooxda Khaatumo “Waxaan aad uga xunahay Odayaasha Ismida ah ee la kulmaamaya dad aan la fac aheyn oo la taaytal aheyn ee marba umadda wax u weydiinaaya aad iyo aad ayaanu uga xunahay”

source:baadiye.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here