Hadii Dayaxa La Waayo Xidigaha Ayaa Lagu Guda.W/Q: Saynab Guure

0
35

Dalka gudihiisii waxaa aad looga hadal hayaa arrimaha doorashooyinka qaranka wakhtigoodii ma qabsoomayaan iyo xukuumada ayaa dib u riday iyo xukuumadu dib u may ridin ee wali looma diyaar garoobin.

Doorashadda sida uu madaxweynuhu dhawr jeer sheegay wuxuu yidhi aniga maalin ku darsan maayo, afkiisa wali miyaa laga hayaa doorashada ii kordhiya si aan mudo dheeraad ah ugu sii fadhiyo kursiga?

Madaxweynuhu waa nin aqoon durugsan u leh arrimaha siyaasada caalamka, wuxuu u soo joogay waxyaabo badan, waxa uu fahmi karaa dhibka ay leedahay doorasho la’aantu, sidaas darteed wuxuu ku adkaystay sida marar badan laga hayo in aanu diyaar u ahayn mudo korodhin.

Umadda Somaliland hadii ay madaxweynaha u garato inuu talada dalka sii hayo waa mawduuc gaar ah, waayo shacabka ayaa yaqaana dantoodu halkay ku jirto, horumarka ay maanta gaadheen hadii ay leeyihiin halkaa halaga sii wado oo madaxweynaha dib haloo doorto iyo mudo haloogu daro, waa mid dadweynaha u taala.

Maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaahdaa “hadii dayaxa la waayo xidigaha ayaa lagu gudaa” hadii doorashada xiligeedii dhici weydo xal kale waa in la keenaa. Xal kasta oo qaranka u dan ah waxaa iska leh marjaca Somaliland had iyo jeer dib ugu noqoto ee odayaasha golaha guurtida oo runtii ah kuwo mudan in lagu ixtiraamo xilka iyo magaca ay Somaliland u soo jiideen.

Guddiga doorashooyinka qaranka iyo guurtida ayaa looga fadhiyaa xiliga doorasho dhici karto, markaa madaxweynuhu hadii mudo kordhin loo sameeyo ha diido ama ha aqbalo, laakiin go’aankaas waxaa iska leh guddiga doorashooyinka iyo guurtida.

Anigu shaqsiyan waxaan odhan lahaa madaxweynaha Somaliland Dr Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Somaliland maanta halkay taagan tahay maalin ay ka fiican tahay ma jirto, waxaan soo jeedin lahaa in dib loo doorto mudane Siilaanyo, si horumar intaas ka sii awood badan Somaliland illaahay u gaadhsiiyo.

Siyaasadii arrimaha dibada iyo tii arrimaha gudaha waad aragtaan halkay marayso, hore umay dhicin in gole deegaan Somaliland aqoonsi buuxa siiyo, sanad iyo badh gudihii ayey laba gole deegaan oo ka tirsan boqortooyada ingiriisku siisay Somaliland.

Ugu danbayntii waxaan leeyahay golaha guurtidu waa inay doorkooda ciyaaraan, guddiga doorashooyinkuna waa inay dalka u horseedeen go’aan lagu bogaadiyo laguna xasuusto mustaqbalka.

Saynab Guure

saynabguure@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here