Daawo Sawirro Ka Mid ah Madasha Meherkan Oo Ka dhacay Hotel-ka Ambassador Ee Hargeysa Sabtidii Toddobaadkan
Waxa ay ahayd Subax Sabtiyeed, Balse Qoraxda Bari ka soo baxdey kaga asteysan tahay ballanta tolka iyo xididka cusub ku balansan yihiin madal dhaqameed soo jireen ah oo lagu yagleellayey raas cusub [Meherkii Caruuska iyo Caruusadda Maxamed Jaamac Cisie ‘Buraale’ iyo Hodan Ibraahin X. Muuse Wacays].
Aroortii hore ayaan telefoon ku toosiyey saaxiibkay Maxamed Jaamac Ciise (Buraalle) oo dabcan ahaa Caruuska Ciyaarta loo tumayo ee la wada sugayo, Markaan kaga yeedhsiiyey aleenkii [ringtone] talefoonkiisa durtadiiba wuu iga qabtay, saa waa Buraalle oo aan is idhi malaha xalay [habeenkaas] si wacanba umuu seexan oo kurbada ay hawshan noocan oo kale ahi caanka ku tahay ayaa laamadood u diiday oo haddii cabiri lahaa xaraarradda qulqulka dhiiga ee jidhkiisa ku wareegayay waxay halbeegeedu lamid noqon lahaa xummada xanuunka duummadu qofka dareensiiyo. Waxaan kala qaadaney xogtii u danbeysey iyo halkay wax marayeen.
Shaqadan sii galay anigoo wakhtiga hoos ka dhawraya, sagaalkii iyo badhkii oo balantu aheyd baan imi Ambassador hotel oo dad badan oo ehel iyo asxaab badan joogaan, kana muuqato in si wacan loo ilaaliyey imaanshaha labada dhinacba.
Madaama aan xidhiidhinta ku qornaa, oo xaalad kale ah, waxan iska guddo galay in aan sii kala qorta cida hadlaysa labada dhinac, ugana sii diyaaar garoobo. Madashii ayey si bilan isku hor fadhiisteen labada tol ee maanta arrinka dhaqan u fadhiya, xoogaa iyo diyaar garow dhalinyaro ayuu caruusku dibada ku yara habsaamiyey. balse kama danbeystii ayuu soo galay hall ka oo la wada sugayo.
Salaan ayuu ragii safka hore fadhiyey caruusku ku boobay, horena aan ka bilaabay munaasibadda oo aayaado quraanka kariimka ah lagu furey, ducadii xaaji abdi ka dib, tolka inannta doonayey ayaa weydiistay geenyadda Hodan Xididkii hor fadhiyey afka xaaji abdi waraabe, Kuye: Waxaanu idinka fadhinaa qudh ahaan iyo qabiil ahaan idinna weydiisaneynaa in la siisaan Hodan ibrahim xaaji waceys oon aan u dooneyno Maxamed Jama Ciise ( Buraale).
Suldan mohamoud baa hadalka u baxay oo yidhi Qudh iyo Qabiilba waan idin siiney hodan ibrahim. Caaqil rashid ayaa la soo booday gabaatigii iyo yaradkii. Geeluna wuu daba socdaa raaciyey. Noo meheriyana la yidhi iyo Aqbaltu.
Meherkii baa dhacay, ducana lagu daray, kaftan baa bilaabmay markii hore majarihiisa ka leexday, balse allah khery ha siiyee Xildhiban mohamed khadar si raganimo leh saaxadda dhaqan ugu soo dabaalay ka dib go’aan aan qaatay in aan microphone u dhiibo anoo hore ugu sheegin list dadka hadlayana iigu jirin, hadal qiimo lehna jeediyey.
Waxaa goobta ka hadlay xaaji abdi langadhe, caqil rashid, garad mustafe, oday biixi cali weyrah, murashax jamal ali hussein, mayarki hore berbera, xildhiban mohamed khadar dahir, wasiir cukuse, Suldan mohamoud iyo xaaji abdi warabe oo duco iyo dardaaran ku soo khatimay.
Si qiimo leh bay ku soo gabogabowdey madashan xamaasadda badneyd, dhalinyartuna sawiro iyo hambelyo dibadda ula baxeen.
Waxaan aniga iyo xaaskayga iyo Wiilkayga Curadba Hambelyo iyo duca halkan uga direynaa Lamaanaha Cusub Maxamed Jaama iyo Hodan ibraahim. Baarallahu laka wabaarik Caleyk Wajamaca beynahumaa fii khery.
Allaa Mahad Leh
Qalinkii: Dr. Fu’aad Cabdisalaam Xasan
Hargeysa, Somaliland