Hal-doorka Dan iyo Duco Oo Taageeray Dhismaha Dekadda Berbera Iyo Fariin Ay U Direen Dadka Ka Soo Horjeedda

0
48

“Waxa Annaga Dan Noo Ah Ayaa Somaliland Dan U Ah, Dekaddaasi Cusub Haddii La Dhisayo Waa Horumar Waana Taageersanahay, Bal Cidda Hadasha Ayeynu Eegaynaa…”

Hargeysa (Hubaal) Hal-doorka, Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Saaxil, ayaa si weyn u taageeray balaadhinta iyo horumarinta dekada Berbera lagu samaynayo, isla markaana sheegay inay ka hor imanayaan wax kasta oo carqaladaynaya.

Odayaashan shirjaraa’id ku qabtay magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil, ayaa sheegay in aanay waxba ka ogayn shir la sheegay in la qabanayo oo aanay fahmin ujeedadiisa, isagoo xusay in haddii qaranka lagu wax yeelaynayo aanay ogolaan doonin.odayaasha gobolka Saaxil

Oday Axmed oo soo dhoweeyey horumarinta dekadda Berbera waxa uu yidhi “horumarinta dekadda waanu ku farxayna oo raali baanu ka nahay, dekadaasi la dhisayo iyo mashaariicda la midka ahba waanu taageerayna hadii aanu nahay odayaashii gobolka Saaxil”

Sidoo kale, odayaashan ayaa si weyn uga hor yimid shir lagu qabanayo deegaanka la yidhaa Baxaro saafka, waxaanay sheegeen in aan lagu qabin Karin wax shir ah deegaankaasi.

Oday Muuse Dalab oo mid ah odayaasha gobolka Saaxil, ayaa isna si weyn u taageeray balaadhinta dekadda Berbera, waxaanu yidhi “waxa anaga noo dan ah ayaa Somaliland u dan ah, dekadana lama diidan iyo wixii horumar ah, dekadaasi cusub haddii la dhisayo waa horumar waana taageersanahay, bal cidda hadasha ayeynu eegayna hadda dhagax dhiga dekada cusub oo lagu soo kordhiyo dekadda Berbera waaan taageersanahay ogolna waanu nahay”

Odayaashan iyo waxgaradkan ayaa sheegay in aan cidiba ka hor iman Karin wixiii wax qabad ah ee dalka ku soo kordhinaya, waxaanay sheegeen in dekadda u baahan tahay horumar, isla markaana la tartami karto dekadaha jaarka ah.

Waxaana shacabka usoo jeediyeen in cadowga Somaliland badan yahay, isla markaana aan la ogolayn in wax horumar ah laga hirgaliyo Somaliland

Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Saaxil, ayaa si weyn u taageeray balaadhinta iyo horumarinta dekada Berbera lagu samaynayo,isla markaana sheegay inay ka hor imanayaan wax kasta oo carqaladaynaya.

Odayaashan ayaa sheegay in aanay waxba ka ogayn shir la sheegay in lagu qabanayo deegaanka Laasgeel, kaas

Chief Caaqil Jaamacoo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “horumarinta dekadda waanu ku farxayna oo raali baanu ka nahay, dekadaasi la dhisayo iyo mashaariicda la midka ahba waanu taageerayna hadii aanu nahay odayaashii gobolka Saaxil, Kuwo leh shir baanu ku qabsanayna baxaro saafka waxaan leeyahay kuma qabin kartid, mana tagi kartid”

Oday Muuse Dalab oo ka mid ahaa odayaasha halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “waxa anaga noo dan ah ayaa Somaliland u dan ah, dekadana lama diidan iyo wixii horumar ah, dekadaasi cusub haddii la dhisayo waa horumar waana taageersanahay, bal cidda hadasha ayeynu eegayna hadda dhagax dhiga dekada cusub oo lagu soo kordhiyo dekadda Berbera waaan taageersanahay ogolna waanu nahay”

Odayaashan iyo waxgaradkan ayaa sheegay in aan cidiba ka hor iman Karin wixiii wax qabad ah ee dalka ku soo kordhinaya, waxaanay sheegeen in dekadda u baahan tahay horumar, isla markaana la tartami karto dekadaha jaarka ah.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay  Jiif Caaqil Jaamac basbaas, Jiif Caaqil Axmed Yare, Aqoonyahan CUmar Daahir iyo guddida dan iyo duco ee beesha Ciise Muuse, kuwaas oo shacabka usoo jeediyey  in cadowga Somaliland badan yahay, isla markaana aan la ogolayn in wax horumar ah laga hirgaliyo Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here