Haldoor, Halgaamaa Geesi ahoo Noo Huray Naftiisa,Miyaan Siisankarayaa Hadhkii Ka Carar Holac Daaye,Dhul Habaasle Aan Arag iyo Xariif Tuulo Xilku Uu Kow U Yahay. W/Q: Maxamuud Cabdiraxmaan xasan (Kuto)

0
65

S/Laaneey Geerida Horteed, Haddaanad Geesiga Aqoonsan, Goblan Weeyi Garashadaadiye,

Hibo Eebe Ku Siiyay, Habeen Layskama Qaade,

Haldoor, Halgaamaa Geesi Ahoo, Noo Huray Naftiisa

Miyaan Siisankarayaa Hadhkii Ka Carar Holac Daaye,

Dhul Habaasle Aan Arag Iyo Xariif Tuulo Xilku Uu Kow U Yahay.

W/Q: Maxamuud Cabdiraxmaan xasan (Kuto)

waxaan uga socdaa inaan maanta halkan kaga hadlo waxyaabo aan ka jiifi kari waayay, sababtoo ah waa igu waajib inaan xaqa iyo runta garab istaago, garta waala saanyaa, xaqa waa lasooraa, cidaan ka hadlayaana waa muj:Muuse Biixi Cabdi, iswaydii waa kuma Muuse?.

hadaba Muuse kuu yahay aan inyar kasoo qaato ama shakhsiyadiisa dhabta ah, Muuse waa mujaahid, halgamaa naf iyo maalba usoo huray dalkiisa iyo dadkiisa. Muuse waa mujaahid adduun, darajo iyo salaan iyo raaxo dal shisheeye ka doorbiday, qumac iyo rasaas, diif iyo dar xumo.

Muuse wuxuu wehel la noqday, gaajo iyo haraad taasoo aan isaga umuuqan ama aanay damqayn, sababtoo ah waxa kaliya ee isaga umuuqday, waxay ahayd dilka iyo xasuuqa lagu hayo dadkiisa.

Muuse dabra weerarkiisi wuxuu soo dagaalamay marna niyadiisa iyo qalbigiisa kumay jirin, aad wax ku heshid hadana kuma jirto. Muuse wuxuu kaalin laxaadle kasoo qaatay, dagaalkii dib u’xoraynta dalkeenan jamhuuriyada s/land, isagoo dhiigiyo dheecanba aqubay. Muuse wuxu kasoo qayb qaatay shirkasta oo s/land waxtar u’ahaa haday tahay kii Baligubadle oo uu shirgudoon ka ahaa iyo haday tahay shirkii Burco ee s/land xoriyadeeda dib ula soo noqotay. Muuse wxu kaalin libaaxle kasoo qaatay sidii ay s/land u noqon lahayd dowlad xora, wuxuu Muuse lasoo sheqeeyay xukuumadihii kala duwanaa ee s/land kasoo taliyay, isagoo soo qabtay wasiirka arrimaha gudaha, taas oo lagu xasuusto inuu inaga duway inaynu Xamar lamid noqono isagoo hilfaha u qaaday is baarooyinkii dhibka ku hayay umada s/land.Maxamuud Cabdiraxmaan Xasan (Kuto) iyo guddoomiye Muuse Biixi

Muuse wuxuu kow ka ahaa markasta danaha iyo maslaxada S/land, intaa wxii ka dambeysay markii s/land ayka hanaqaaday hanaanka dimuquraadiyadu ama hanaanka xisbiyada badan ayaa waxa jirtay qalad la fahmay darteed in reer kastaa urur samaystaan. Muuse wuxuu ahaa siyaasiga kaliya ee aan ku biirin urur reerkoodu leeyahay. Mujaahid Muuse maaha nin qalbiil ee waa mujaahid ku abtirsada s/land, haybna waxay wadaagan inta ay ka dhab tahay s/landnimadu. Muuse mar labaad wuxuu dhib iyo hadimo iyo rafaad umaray, sidii s/land uga bixi lahayd habka beelaysan waxanu kamid ahaa faro kutiriskii aadka ugu heelnaa waxanu kaalin firfircoon oo wax ku ool ah kasoo qaatay dhismihii iyo guulihii xisbiga Kulmiye, taasoo uu waliba hormuudka ahaa sababihii guusha uu ku helay xisbiga kulmiye, Siilaanyona uu ku noqday madaxwaynaha dalka.

Mujaahid Muuse waa shaqsi mar qudha aan ka bixin dalkiisa, waana xogogaalka kaliya ee og marxalada ay dadkiisu soo mareen iyo ta ay imika ku jiraan. Muuse waa shaqsi aan munaafaq ahayn, waa siyaasiyiinta faro ku tiriska ah ee aan guryahoodu marfishka lahayn, waana geesi deeqsiya, anigu shaqsi ahaan markaan ogaaday deeqsinimadiisa waxay ahayd, maalintii loo wan qalayay gobolka Hawd, taas oo Muuse ka mid ahaa madaxdii halkaa ka hadashay, waxanu ka sheekeeyay gobanimada beeshaas haday tahay geesinimadooda iyo siday halganka uga qaybqaateen iyo dhibkay ku qabeen jabhadii SNM iyo dulqaadka iyo siday u soori jireen iyo siday u soo dagaalameen, waa beeshaas Arabe maan jeclayn inaan maqaalkayga beel soo galiyo laakiin waxa ila Gashay deeqsinimada Muuse, Waayo way adagtahay nin qira libin qof kale leeyahay mid deeqsiya mooye ama mid ololaynaya mooye, Muusena wakhtigaa kumuu jirin olole.

Hadaba waxa jira dad yidhaahda Muuse waa macangag oo waa askari, waa dhab Muuse waa askari duuliye sare waxaanan u sheegayaa dadkaas, Muuse qof uga naxariis badan ma jiro s/land, qof uga adadag oo uga qalafsan cadawgeedana majiro raga waxa lagu doorta afartan arrimood; Diin,Dagaal,Dood iyo Deeqsinimo, Muusena Allah waa siiyay intaba umada s/land waxaan leeyahay kii kuu hiiliyee, kuu huray naftiisa adna umadyahay maanta uhiiliyo dooro oo hadhagaysan, dhuhdhuhlaha xilku kow u yahay iyo hadhkii ka cararka iyo ka aan habaasba arag iyo kuwa waxay rabaan haday kaa waayaan, Xamar aadaya,waa habayn madaw kuwa S/land beeninaya.

Allow hankiisa iyo himiladiisa ku guule, yaa Allah, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi,

lasoco…………

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here