Xildhibaano, Siyaasiyiin & Aqoonyahanka Deegaannada Arabsiyo, Allaybaday Illaa Agabar Oo Ugu Baaqay Bulshadda Deegaankaasi Qaadashada Kaadhka Codbixinta Doorashadda
Hargeysa (Hubaal)- Odayaasha iyo wax garadka ku dhaqan degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley, ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqna deegaankaasi in ay qaataan kaadhka Codbixinta doorashooyinka oo la filayo in ay dhowaan ka bilaabanto deegaamadaasi, waxaanay bulshada deegaankaasi u sheegeen muhiimadda uu leeyahay kaadhkani loona baahan yahay in ay qaataan si ay doorashada ugu codeeyaan. Kulan ay iskugu yimaaddeen Odayaasha iyo wax garadka ku dhaqan degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Arabsiyo, ayaa waxa ay sheegeen in ay bulshada ku boorinayaan sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhka codbixinta doorashooyinka somaliland oo la filayo in ay maalinta sabtida ah ee inagu soo foolleh ka bilaabanto deegaankaasi iyo deegaamo kale oo dalka ka mid ah. Qaar ka mid ah odayaasha iyo masuuliyiinta deegaankaasi oo halkaasi ka hadlay, ayaa waxa ay baaq u direen bulshada deegaankooda, waxaana hadalladoodii ka mid ahaa “Waxaanu ku baraarujinaynaa min xeeb illaa xadka Itoobiya beesha degta in ay qaataan kaadhka codaynta oo bilaabmi doonta bishan sideeddeeda, waxaanu usoo jeedinaynaa dadka deegaanka in ay qaataan kaadhka oo ah kaadhkii ay ku codayn lahaayeen, sidaas darteed waxaanu idinku boorinaynaa in aad qaadataan kaadhkaasi dhamaan tuulooyinka deegaanka, kaas oo bilaabmaya” Sidoo kale waxgaradka deegaanka Arabsiyo oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen sida uu muhiim ugu yahay kaadhkani muwaadinka loona baahan yahay in ay qaataan, waxaanay yidhaahdeen “Dadka deegaanka waxaanu warbaahinta u marinaynaa in ay qaataan kaadhka codbixinta si ay u codeeyaan doorashooyinka oo aynu ku dooranno ciddii ina hogaamin lahayd masiirkeenka doorashada soo socota, waxaan dadka u sheegaynaa in ay usoo diyaar garoobaan qaadashada kaadhka codaynta waana arrin masiiri ah, waxaana looga baahan yahay dhamaan gobolka gabiley in ay qaataan kaadhka codaynta doorashada marka laga bilaabo deegaanka” ayaa ka mid ahaa hadallada dadkii goobtaasi ka hadlay ee deegnka Arabsiyo.