Haldoorka Da’da Yarta Somaliland Oo Maamuusay Guddoomiyaha UCID+ Nuxurka Muxaadiro [Lecture] Ku Saabsan Hayaankii Nabadda Somaliland Oo Uu U Jeediyey+SAWIRRO

0
37

Haldoorka Da’da Yarta Somaliland Oo Maamuusay Guddoomiyaha UCID+ Nuxurka Muxaadiro [Lecture] Ku Saabsan Hayaankii Nabadda Somaliland Oo Uu U Jeediyey+SAWIRRO

Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha ahna Musharraxa madaxweynaha ee xisbiga caddaallada iyo daryeelka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Muxaadiro siyaasi ah [Lecture] u jeediyey Qaar Ka Mid Ah Haldoorka Iyo Labeenta Dhalinyarada reer Somaliland, gaar ahaanna Aqoonyahanka  caasimadda Hargaysa.

 Dhalinyaradan Oo Habeen hore  Casho Sharaf  ugu sameeyey Hotel-ka Hiddo Dhowr ee Hargeysa ayaa daarnaa is xog-waraysi iyo muxaadaro    ku saabsanaa Nabadeyntii Somaliland ee 1996-kii Iyo Nabadenta Hadda ka socota Gobolada Bari Ee Somaliland .

Ugu horeyn Gudoomiyaha ayaa si qoto-dheer uga warramay Sooyaalkiisi taariikheed, sidoo kale wuxuu dul-istaagay Taarikhdii Nabadeentii Somaliland Ee 1996-kii oo uu ka mid ahaa Guddidi Nabadda .

Gudoomiyuhu wuxuu ka waramay maraaxilkii Ay Guddida Nabaddu ay soo martay wakhtigaasi iyo duruufihii ku gadaamnaa, Caqabadihii ka hor-yimid iyo siday uga gudbeen .

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ka waramay dadaallada uu hadda ku jiro ee nabadeenta Gobolada Bari iyo midnimada Somaliland, waxaanu tilmaamay in rajjo fiican ka qabaan in wada hadaladda Somaliland Iyo khaatumo .

Gudoomiyaha ayaa ka waramay maraaxilkii wada hadalada Somaliland Iyo Khaatumo Soo mareen, waxaanu farta ku fiiqay caqabadaha hor taagan in Beelaha Deegaanka Gobolka Sool ay wax ula qaybsan la’yihiin dalkooda Somaliland iyo qaabka ugu haboon ee looga gudbi-karo .

Ugu danbeyn Waxaa halkaasi ka hadlay laba ka mid ah dhalinyaradii Kulanka ku sugnayd, waxaanay ka markhaati-kaceen dadaalka uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Galiyay midnimada iyo horumarka Somaliland, iyagoo sheegay in ay aad ula dhacsan-yihiin wadaniyadda Gudoomiye Faysal iyo daacadnimadiisaba .

Kulankan oo ay soo agaasimeen dhalinyaradu ayaa ahaa mid ay dhalinyaradu ay ugu mahad-naqaysay Gudoomiyaha dadaalkiisa uu ugu jiro Somaliland Midnimadeeda iyo wada jirkeedaba, waana Kulan ugub ku ah Dalka, maadaama aanay hore u dhicin kulan sidan oo kale ah oo kulmiya aqoonyahanka iyo labeenta dhalinyarada ku dhaqan Dalka Somaliland .

Guddoomiyaha ahna Musharraxa madaxweynaha ee xisbiga caddaallada iyo daryeelka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Muxaadiro siyaasi

16681813_738510112988427_2315312527627212934_n

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here