Halis Nolosha Dadka Ka Dhan ah Oo Lagu Arkay Mobillada Cusub ee Galaxy Note 7-ka

0
31

note7

Soul(Hubaal)-Shirkadda taleefannada gacanta samaysa ee Samsung ayaa ku baaqday in dadka heysta ama leh taleefanada gacanta ee Galaxy Note 7 ay iska damiyaan ka hor inta ay soo baadheyso warar cusub oo sheegaya in taleefankaasi uu gubto ama waqti kasta uu dab ka kici karo.

Shirkadaa oo laga leeyahay dalka Koofur Korea waxay sidoo kale sheegtay in ay gebi ahaanba joojin doonto iibinta taleefanka noocaa ah oo dhawaan ay soo saartay ilaa amar dambe.

Samsung ayaa dib u soo celisay 2.5 malyan oo taleefano noocaa ah bishii Sitembar kadib markii macaamiil badan oo soo iibsatay ay sheegeen in bayterigiisu qarxayo. Balse mar kale ayaa iibinta ay bilowday shirkadu kadib markii ay mooday in bed qab laga helayo noocaa taleefanka ah.

Si kastaba ha ahaatee, haatan yaa hadana waxaa soo shaac baxaya in wali dab uu qabsanaayo xataa markii sidii hore wax laga baddalay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here