Muran ka taagan doorashadii ka dhacday Tunis
Tunis (Hubaal)-Doorashadii Madaxtinimo oo wareegeedii labaad shalay lasoo afjaray, ayaa waxa Guul ka sheegtay Beji Caid Essabsi oo ah 88 jir siyaasi ruugcadaa noo wacdaro ka dhigay Saaxadda siyaasadda ee Dalkaasi.
Beji Caid, ayaa si iskii ah u sheegtay inuu ku guulaystay 55%-tirada Codadkii la dhiibtay, balse ma jiro wax war ah oo kasoo baxay GUddida Doorashooyinka ee Dalkaasi.
Ninka la tartamaayey ee uu ka guuleystey ee ahaa Madaxweynaha kumeelgaadhka ah Moncef Marzouki ayaan weli ku dhawaaqin guuldaradiisa, waxaana uu sugayaa inta lagu dhawaaqayo natiijada rasmiga ah.
Essebsi ayaa ka tirsan Xisbiga cilmaaniga ah ee Nida Tounes kaas oo ku guuleystey doorashooyinkii Baarlamaanka bishii Oktober.
Dalka Tuunisiya ayaa ahaa halkii ay ka shidantey dhimbishii gilgishey caalamka carabta sanadkii 2011, waana dalka keliya ee ka faa’ideystey maja-xaabintii keligii taliyaashii dalalka Carabta.
Dalalka dersika la ah ee Libya iyo masar ayaa dadkoodu ka shalaayaan sababtii ay ugu kaceen keligii talisyadii muddada dheer haystey madaama xaalad ka xun tii hore ay galeen.
In badan oo ka mid ah dadkii ka qaybqaatey kacdoonkii looga soo horjeedey keligii taliyihii hore ee Tuuniisiya Ben Ali ayaa sheki weyn ka qaba Madaxweynaha la doortey ee Essabsi, maadaama uu si weyn ula soo shaqeeyey.
Madaxweynaha la doortey ee Tuuniisiya ayaa ka soo jeeda dabaqadda sare waana nin maalqabeen ah, waxaana uu ballan qaadey in uu si dhaw ula shaqeynaayo Xisbiyada islaamiga ah.
Himilomedia