Halkan Ka Akhri: Abwaan Nimco Gabaydo Oo Markii Saddexaad Midabtakoor Kala Kulantay Madaxtooyada

0
75

Hargeysa, Somaliland, May 20, 2014, (Hubaal) – Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco Gabaydo), ayaa la wariyay in markii saddexaad laga reebay fanaaniin barnaamij maaweelo ah ku soo bandhigtay Xarunta Madaxtooyadda, Xuskii sanad guuraradda 23-aad ee Madaxbanaanida Somaliland.
Abwaan Nimco ayaa warku sheegay inay ku tirsanayd liiska koox fanaaniin ah oo isku soo duba-riday barnaamijka laga dhigay Madaxtooyadda habeenkii 18-ka. Hase ahaatee, wararka aanu helay waxaa ay tilmaamayaan in guddi u muuqatay faaf-reebkii dawladii Siyaad Barre oo dusha kala socotay. Islamarkaana qiimeynaysay barnaamijku ay gabi ahaanba u diideen inay wax door ah ku yeelato Nimco Barnaamijka. “Xattaa inay eegaan Gabayga ay doonayso inay xuska munaasibadan kaga qayb-qaadato waa ay diideen.” Sidaas ayuu yidhi mid ka mid ah illaha aanu xogtan ka helay. Sidoo kale Abwaan Nimco Gabaydo oo aanu weydiinay arrintan jiritaankeedda ayaa tilmaantay inay jirto. “Haa waa ay jirtaa, oo waa sanadkii sadexaad ee la iga reebo fanaaniinta ku qoran madaxtooyada oo aan ka mid ahaa.” Sidaas ayay tidhi
nimco gabaydoNimco Gabaydo oo aanu weydiinay sababta iyo cidda ka reebtay Xuskan ayaa waxaa ay tidhi. “Horta Alle ayaa qadaray oo meel aanan ku qorayn inaan tago ma tagayo. Laakiin, waxaa I soo reebta mar kasta Xukuumadayda. Sababtana war uma hayo, waxna kama oggi” Ayay tidhi.
Falalkan lagu kala naaqisho fanaaniinta ee lagu liidayo xubnaha loo arko in ay wax diido leeyihiin ayaa dad badani u arkaan talaabo meel ka dhac ku ah Distoorka qaranka oo damaanad qaaday xoriyadda rayi-dhiibashada iyo fikirka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here