Hargaysa(Hubaal)Siyaasiyiin Aqoon yahano,Dhalinyaro Ayaa maanta shirjaraa’id oo ku qabteen Magaalad Hargays waxa ay Kalsooni Ugu Muujiyeen Maayarka Caasimada somaliland Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco.
Waxa ay shegeen inta uu xilka hayay Maayarku inuu waxqabad Lataaban Karo Ka sameeyey Caasimada somaliland ee hargaysa.
Sidoo kale waxa ay usoo jeediyeen Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee ku hawlan In ay Xilka Ka qadaan Maayarka in ay Arintaas ku noqdaan,wixii maayarka ka khaldana Gudahood ka saxaan.
Axmed Xaaji Cabdilaahi Oo ah Ganacsatada waawayn ee magaalada hargaysa oo ugu Horayn Shirkaas Jaraa’id ka hadlay Ayaa waxa uu yidhi”
“Halkan Maanta waxaanu iskugu Nimid inaanu Tageero Balaadhan Siino Maayarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Solteco oo ah Nin Dhalinyaro ah,Sid aynu wada Ogsoonahay Wax Qabadka Balaadhan ee uu Muujiyay Maayarku Mudadii Uu Xilka hayay Waxa Halkan lagu soo Koobi Karo Maaha ,Maalin dhawayd waxa dhacaday inuu Gubtay guri aniga ii dhawi,Markii dab-damiska Ciidanka Ayaa soo gaadhay waana ay bakhtiyeen,taasi waa guulaha uu gaadhay.
Axmed Cabdilaahi Daahir oo ah Ganacsatada waawayn ee magaalada hargaysa ayaa isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu intaasi raaciyay”
“Waxa u dhisay Maayarku Wadooyin Aad u badan oo sawaxankii Gawaadhida kala yareeyay Arinkaasina waa in lagu amaano,Qofka Bil-aadamkii wuu khaldami karaa waxa uu u baahan yahay in la toosiyo,Hadii lakiin Lasii kala Rido isna waxba qaban Maayo,Bulshadana waxba u qaban maayo,Lakiin Arinka meesha yaal waxa weeyaan in la Tageero,Maayar kale oo la doortaana Yaanay Jirin.
Cabdi Risaaq Suudi Nuur Oo Ah musharax Golaha wakiilada ee Doorashada 2015Ka ayaa isna Xildhibaanada Golaha Degaanka Caasimada somaliland waxa uu u soo jeediyay in Gudahood ku dhamaystaan Wixii Khilaaf ah ee dhexdooda Soo gala waxaana uu yidhi”
“Labadaas Sanno ee golaha Deegaanku Jira waxa u qabsoomay Horumar Lataaban Karo,Hadii Saddexda u hadhayna Car-qalad La galiyo Waxaan Odhan Karaa waxba uma qabsoomi Doonaan,Lakiin waxaad Moodaa In Faro Galin kale meel kale kaga Socoto,Am reer ha Noqoto am Xildhibaano ha noqotee,Markaas waxaan odhan lahaa Mayarku Intii uu Xilka hayay wuu dadaalay hadii uu wax dhimayna waxa fiican in la toosiyo,lakiin hadii Layidhaa Xilka ayaanu kaa qaadaynaa Mafiican,Jiciir waxa uu hayay Xilka Shantii Sanaba,Marna Xilka lagama Qaadin,Kana waxa qurux Badan inuu Xilkisa dhamaysto,Wixi ka khadlana loo hagaajiyo.
Aqoon yahan Axmed Aadan Haybe oo isan Shirkaas Jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu ku dheeraaday”Shalay ayay ahayd Markii Xildhibaanadu Dhamaan uwada codeyeen Maayarka Caasimada,Maanta waxa ay leeyihiin Xilka ayaanu ka qaadaynaa,Waxaasi wax soconaya Maaha,Maayarku waa maayar waxqabad Lakiin maaha Maayar Waxuun iska Cuna,waxaanam Xildhibaanada leeyahay Maayarka Idinkaa Doortee Sax uun.
Garaad Cabdi Risaaq Daahir oo isna ku hadlayay Magac dhalinyarada Dagmada Hargaysa waxa uu yidhi”Waanu Leenahay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Idiimaan Dooran inaad is qabsataan,Lakiin waxaanu idiin Dooranay inaad Maayarka iyo Ku xigeenkiisa ku Tageertaan waxqabadka ay bulshada u fidiyaan,Dhamaan Garoonadii Magaalada hargaysa wuu qurux bad-naysiiyay waxaana uu dhamaantood Dhigay Qalab Aad u sareeya,waxaana odhalahaa Maanta Cid Wax qabatay isaga ayaa ugu badane Dadaalkiisa halkaas ha kasii wadee ka daaya Qorsha Qorshaynta.
Hadalka kasoo Yeedhay Siyaasiyiinta Iyo Dhalinyarada Magaalada hargaysa ayaa waxa uu kusoo beegmayaa,Shalay Markii Xildhibaano Badan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargaysa ay shaaciyeen in Xilka ka qaadayaan Maayarka Caasimada kuwaas oo ku sifeeyey waxqabad la’aan.