HALKAN KA AKHRI: Barnaamijka Todobaadlaha ah Ee Diinta Iyo Nolosha Iyo Sheekh C/risaaq C/raxmaan Xasan Rakuub

0
55

BARNAAMIJKA TODDOBAADKANI WAXA UU KU SAABSAN YAHAY “WAA MAXAY TAWXIIDKU?

 

Qalinki: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rarakub

Qaybtii Labaad

 rakuub

Alle SWT isago ka hadlaya sanamyada dadku wax modan iyo cid kale oo wixi Alle SWT xaq u lahaa cid kale laga doontu wuxu suratul yusuf ku yidhi “ma caabudaysan Alle sokadi, waxaan magacyo aad samaysaten idinkiyo aabayashiin ahayn”, waxa aad halka ka arkaysa in ay nafahooda un kuwa sanamyo dul fadhiya habsaminayaan, oo maantaba qaar ayaa dul fadhiya sida dunida bariga haddi aad u kacdo aad arki doonto, marka walaal maaha in aad naftaada wax aan aakhiro iyo aduun wax ku tarayn ku mashquliso, waxa la mid ah kuwa quburaha wax moodaya.

Alle SWT isago la yaab ku tilmamay qofka rabitaankisa Illah ka dhiganaya ayaa u suratul jathiyaat u ku yidhi “bal eega ka Illah ka dhiganaya hawo”, naftaadu wax kasto oo ay rabto haddi aad ahaato mid sameeya manad iyada adoon u noqon?.

Walaal intaas oo daliil Qur’aan iyo Xadiisba leh waxaynu u kenayna inay ino cadaato inanay marnaba ino bananayn inaynu wuxu Alle SWT xaqa u lahaa aynu cid kale la donano, waana ta aynu uga hadlayno mawducan aynu ula baxnay Xaqa Alle SWT inagu leyahay iyo Xaqa aynu inagu Alle SWT ku lenahay, Alle SWT isagu marnaba cid ma dulmiyo oo waliba cafiskisa badan, laakin inaga leexana wixi layna farayna inteena badani ka tagna, waxa dadka qaar la yabayan markaynu lenahay Illahay SWT wuxu xaqa u lahaa cid hala wadajin laga yaaba inay yidhahdaan oo side ayaa lola wadajin karaa?….. waxaynu lenahay ka waran qofka qabri ku dul meraysanaya ee ubad, caafimaad, xoolo iyo xil waydisanaya. Qof isagi allaystay oo xisaabti aakhiro ku jira, oo adiga inaad Alle SWT dambi dhaaf u barido ka sugaya, haddi aad isaga wax ka dhigto, so xaqi Alle SWT kugu lahaa maad baal marin, cid aan wax ku tarayna kulamad kufin.

 Ka baqashada shirkiga

Dambiga waxa aan ka baqan gaalka iyo munafaqa, se qofka imaanka leh dambigu aad ayu u dhiba, waxaadna ku garan karta Cumer Ibnu Khadaab Rc sidu uga baqan jiray munafaqnimo inay haysto, oo waaki u tagayey asxaabigi Rasuulku CSW sirta u sheegi jiray ee Xudayfa Rc waaki ku lahaa “Illahban kugu dhaariye magacyadi munafaqiinta ee Rasuulku CSW ku sheegay magacayga mukugu daray”, waaki asxaabigu ku lahaa “may”.

Asxaabigi Ibnu Abi Mulayka Rc waaki xadithki u Bukhaari werinayey ku lahaa “waxaan so gaadhay in ka badan sodon asxaabti Nabiga CSW ah, manaan arag mid aan naftiisa uga baqanayn nifaaq (munafaqnimo)”. Bilaahi calayk haddi asxaabti Rasuulku sida ay uga baqanayeen munafaqnimo inagu xagaynu isla joogna. Bal eeg Alle SWT isago ka waramaya in aan lays qaadqaadin oo nafta waxanay ahayn laga dhigin laysna cajabin suratul najmi waka ku yidhi “hay amaanina nafihina, Alle waa ogyahay qofka isaga ka baqanaye”.

Alle SWT isaga og qofka ka baqanaya iyo ka iska yeelyelaya isagana kala saaraya, waxay aayadu ka hadlaysa inaynaan inagu is cajabin, oo cibadada aynu la imanayna aanay wax weyn u qaadan, balse ogaano inay jirto cibaado aan la aqbalinba; sida haddi aad cid kale is tusayso, haddi munafaqnimo kugu jirto iyo meelo badanba.

Alle SWT suratul nisa wuxu ku yidhi “Illahay uma dambi dhaafo qofka isaga ka gaaloba, wixi (gaalnimada) inta kaso hadhana wu u dambi dhaafa haddi u doono”. Waxaad arkaysa in gaalnimo naxaris lahayn, dambi dhaafna lahayn qofka sida ku hoydana aanu naxaris rabi sugayn.

Dadki wanaagsana ubadkay dhalaan waxay ku tarbiyadayn jiren in aan shirkigu wax yar ahayn, bal eeg suratul luqmaan sidu ninkaasi inankisa u dardarayo “inankaygiiyow ha u shariik yeelin Alle, shirkigu waa dambi weyn”. wuxu u sheegaya in aan shirkigu aanu lahayn wax yar oo inta layska sameeyo layska fadhisan karo adigo dhoohan oo moogan waxaad samaysay ee shirkigu acmaashadi oo dhan masaxayo.

Dadki wanaagsana waxay ku ducaysan jiren sida Alle SWT Qur’aanka ku sheegay “Allahayow qalbigayaga ha leexin, intaa aad hadaysay ka dib”.  Waxa aad arkaysa in qalbigu yahay haydaroniga lexlexinaya nafta, oo Rasuulku CSW waaki isna ku ducaysan jiray “Illaha qalbiyada gedgediyow, qalbigayga diintaada ku sug”.

Alle SWT suratul maa’ida wuxu ku yidhi “qofka u shirki yeela Illahi, waxa laga xarimay jannada, hoygisuna waa naar”. Illah haynaga ilaaliye waxa aad arkaysa xaga lagu dambayn dono haddi lagu kari waayo xaga ay tahay.

Waxa ka sugnatay dadki wanaagsana inay nafahooda iyo ubadkooga Illahay SWT u baryi jiren ino dhawro bal eeg suratul Ibrahiim isago Allahi SWT la hadlaya”Illahow iga dheere aniga iyo ubadkayga cabudista asnaamta”.

May ahayn ambiyadu qaar is dhigta oo isagi ayaa iskaga bilabaya oo Alle SWT hanuunka waydisanaya. Bal u fiirso Nabi Yacqbub CS oo geeridi uso dhawatay oo ubadkisi si waraysanaya sidu Alle SWT suratu baqara kaga waramay “xus xili yacqub inamadisi ku lahaa, dabaday maxaad cabuudi doontan”. In lays tarbiyadeya oo qof kasta inta u ka masulka yahay tarbiyada way wanaagsan tahay, maalinta qiyaamena qof kasta intu masuulka ka ahaa waa la waydin waxay qabten iyo inu dayacay iyo in kale sida Rasuulku CSW xadiiska ku sheegay “qof kasta waxba la raaciyey, qof kastana waa masuul”.

LA SOCO QAYBTA LABAAD TODDOBAADKA DAMBE HADDII ALLE YIDHAA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here