HALKAN KA AKHRI: Bilowga Mashruuca Diiwaangelinta Iyo Middabada Dhaliilaha Soo Baxaya

0
28

“Diiwaan gelintan Oo Khamiistii Bilaabantay Xilli Aan Weli La Meel Marin Xeerkii lagu Dhaqi Lahaa Ayaa Loo Arkaa In Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Ay Durba ku Degdegtay Tallaabadan Oo Heshiiska Ka Hor Imanaysa”

Hargaysa (Hubaal)-Cuqaal Iyo dhalinyaro Loo soo xulay in ay ka shaqeeyaan diiwaan galinta Madaniga ah ayaa cabasho la hor tegay wasaaradda daakhiliga, isla markaana cuqaasha ayaa la sheegay inay xoog u qawadeen qadar lacag ah oo loo qorsheeyay inay kaga hawl galaan goobaha diiwaan gelinta.

Dhalinyarada farsamo ahaan fulinaysa hawsha diiwaan gelinta ayaa la sheegay inay ka cawdeen gunadda ay ku shaqaynayaan, oo loo sheegay inay qaadanayaan bishii sadex boqol oo doolar, qadarkaas oo dhaliyay saluuga, hase ahaatee warku wuxuu intaa ku daray in markii danbe looga dhigay afar boqol oo doolar bishii, taasoo ka dhigan inay maalintii ku shaqaynayaan 13 doolar. Cabashadaa dhalinta kadib waxa shalay cabasho taa la mid ahi ka soo yeedhay cuqaasha oo hawsha diiwaan gelinta qayb ka ah. Warku wuxuu intaa ku daray in cuqaasha loo qoondeeyay sadex doolar maalintii, isla markaana wuxuu qorshuhu yahay inay goobta diiwaan gelinta joogaan laga bilaabo markay libdhadu soo baxdo ilaa markay dhacdo.

sh-diwangelinta“Dadka bani’aadanka ahi waxa ay iska jecel yihiin in ay wax korodhSadaan, dhaqaale ahaan wixii loo qoondeeyay ee loo bandhigay waanu u haynaa. Hadii qawad yimina wuu iska dhamaaday hawshiina Si wanaagsan ayay noogu socotaa waana ay Shaqo Galeen Cuqaashu, wax inaga xumina ma jiraan”, sidaa waxa yidhi badhasaab ku xigeenka gobolka Maroodi jeex Rashiid Axmed Maxamed.

Gudoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in cuqaasha loo qoondeeyay 3 doolar maalintii, dhalinta jaamacadahana 13 doolar. Mar uu ka sii hadlayay arrintaasna wuxuu yidhi; “Marka horeba waxa aynu nahay dawlad Yar oo hada soo kacaysa, Ciidanka Somaliland Waxa uu ku shaqeeyo waad ogtihiin, Shaqaaluhu waxa ay ku shaqeeyaan waad la socotaan,markaa duruufta dhaqaale ee dalka ka jirta ayaa sababtay in Lacagtaas loo qoondeeyo.dhaqaale waxa aynu ka hagranay ma jirto,hadii aynu maanta nidhi kaadhkii dhalashada dalkeena haloo sameeyo in ay gacanta qabtaan mooyaane yaanay Turaan Turayn”.

Inkastoo badhasaab xigeenku sidaa sheegay, hadana cuqaashu waxay sheegeen in aanuu jirin heshiis ay la gaadheen masuuliyiinta ay la kulmeen oo ay ka mid ahaayeen wasiir ku xigeenka amniga, badhasaab xigeenka iyo maayarku siday faafiyeen warbaahinta qaarkeed.

“Arintaas waxaanu ku heshiinay ma jiraan,waxaanu sugaynaa wasiirka Arimaha gudaha,wax danbe oo ka soo baxa mooyaane waxaanu ku heshiinay ma jiraan,Kulanka aanu la yeelanay Badhasaabka waanu isku diidnay waanan kusoo kala kacnay,qorshahayagu waxa weeyaan inaanu ku dhaqano go’aanka aanu isla qaadano,Laakiin hada waxa diiwaan gelin oo socotaa ma jiro dhamaana way istaagtay”. Sidaa waxa yidhi, Caaqil Siciid Cabdi Jaamac oo ku hadlayay afka cuqaasha. Wuxuu intaa raaciyay siday faafisay shabakada Hubaal, in aanuu jirin wax ay ku heshiiyeen Maayarka,Badhasaab ku xigeenka iyo Wasiir ku xigeenka Amniga.

Dhinaca kale, diiwaan gelintan madaniga ah ayaa khamiistii ka bilaabatay magaalada Hargeysa, iyadoo aan weli la meel marin xeerkii diiwaan gelinta oo muran iyo khilaaf dheer kadib ay mucaaridka iyo xukuumadu ku heshiiyeen wax ka bedelkiisa. Hase yeeshee xukuumadda ayaa loo arkaa durba inay qaaday talaabo degdeg ah, oo ka hor imanaysa heshiiska. Qalabka loo adeegsanayo diiwaan gelinta iyo hanaanka loo dejiyay barnaamijka ayaa isna loo aanaynayaa dhaliilo qaarkood lala tacaalayo.

Agaasimaha guud ee Arrimaha Gudaha Cabdisalaan Cumar Maal oo la hadlay qaar ka tirsan warbaahinta, ayaa sheegay in la dhameeyay khilaafkii gelinkii danbe ee shalayna ay hawshu dib u bilaabantay, isla markaana wuxuu difaacay dhaliilaha tayada qalabka diiwaan gelinta loo jeediyay.”qalabka diiwaan gelintu waa qalab casriya, oo ku shaqaynaya internet online ah, mana shaqaynayo markuu offline yahay, markaa waxaan kuu sheegayaa warkaa in aanay waxba ka jirin”, ayuu yidhi agaasimuhu.

Goobaha loo qorsheeyay inay ka dhacdo diiwaan gelintu iyo sida loogu qaybiyay deegaanada dalka ayaa iyana u muuqata mid cabasho wayni ka taagan tahay. Qaabka loo xushay shaqaalaha ayaa iyana siday wararka qaar tibaaxayaan loo aanaynayaa musuq maasuq, isla markaana waxa la hadal hayaa inay dad gacan leexsan iyo garab lagu geeyay shaqada, kuwaasoo aan ka mid ahayn shaqaalaha imtixaanka ku soo baxay ee xaqa u leh shaqada. Wacyi gelintii loo baahnaa ee dadka lagu fahamsiin lahaa mashruucan ayaa iyana meesha laga saaray, waxaana jira su’aalo badan oo durba dad iska waydiinayaan qaabkan lagu bilaabay barnaamijka oo loo arko mid aan u qalmin.

Badhasaab Ku Xigeenka oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ay Cuqaasha isku af Garteen In ay bilaabaan Diwaan galinta,Halka ay Caaqiladuna arintaas beeniyeen,shegeena in ay wali taagan tahay Diwaan galintii.

Qalabkii Lagaga shaqaynayay Diwaan galinta ayaa shaqaalahi dhamaan keenay Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Horteeda kuwaas oo Iyana Cabasho Xoogan ka muujiyay Lacagaha ay ku shaqaynayeen oo kala dhantaal may.

Ugu Horeyna Badhasaab ku xigeenka Rashiid Axmed Maxamed oo shir Jaraa’id Ku qabtay Xarunta ayaa sheegay in ay isku af Garteen in shaqadii Diwaan galinta La bilaabo waxaana uu yidhi” Lacagta loogu Talo Galay Salaadiintu in ay ku hawl galaan Ayaa sida uu sheegay Badhasaab ku xigeenku waxa ay dhan tahay 3 Dollar Maalintii,Halka ay Ardayda Jaamacaduhana Ku hawl galayaan Maalintii 13 Dollar,Balse waxa iyaguna Arintaas ka biyo diiday Cuqaasha Kuwaas oo Shir ay ku lahayeen Xarunta Badhasaabka Kasoo Dareeray.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here