Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyayaasha labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI – Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa walaacyo ka kala bixiyey hab-dhaqanka maamul ee xukuumadda talada haysa iyo hannaanka dhammaystirka dimuqraadiyadda Somaliland, halka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi ka difaacay xukuumadda eedaymaha loo jeediyey.
Masuuliyiintan oo hadallo ka jeediyey shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka oo Akademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland ka furtay huteelka Ambassador shalay, waxay aragtiyahooda ka bixiyeen mawduucyo gaar ah oo shirka lagaga hadlo oo ay ka mid yihiin axsaabta, dimuqraadiyadda, isdhexgalka bulshada iyo arrimo kale.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in dhibaatada ugu wayn haysta hannaanka axsaabta badan ee dalka ay tahay qabyaaladda oo uu xusay inay waqtigan marayso heerkii ugu xumaa oo ka dhalatay dhiirigelinta iyo ku-dhaqanka madaxda sare xukuumadda, “Qabyaaladu berigii hore seenyo ayey ahayd ee maanta geeso ayey yeelatay ee waa in laga jaraa geesaha oo weliba dawladdu ka jartaa. Wasiirrada ayaa dawladda wada ee wasiirkow ma waxaad tahay wasiir qaran mise wasiir qabyaaladeed, haddii waxbarasho soo baxdo iyo haddii shaqo soo baxdaba reerkooga ayuu siinayaa, waxay inaga baabiiyeen salaadiintii iyo cuqaashii oo lacag inta la siiyo la leeyahay hadla oo hebel caaya, waxaasi maaha nidaam dawladnimo, nidaamkii dawladnimo wuu dhintay Somaliland oo waa is dhexyaac, shanta Soomaaliyeed inaga ayey inaga daawataa telefishannada caydeena, salaadiinteena iyo cuqaasheennu waxay ku hadlayaan,” ayuu yidhi Eng. Faysal.
Waxa kale oo uu walaac ka muujiyey nidaamka xukuumadda talada haysaa u maamusho dalka oo uu ku sifeeyey inay burbur keenayso, waxaannu yidhi, “Dawladdii Maxamed Siyaad Barre waxa burburiyey caddaalad-darro, nidaam-xumo iyo sharcigii oo laga tallaabsaday, haddii aynu waddadii marno iskadaa ictiraaf ee Somaliland sannad dambe ma jirayso, waxba yaan been la isku sheegin, wixii dawladnimada xumaynayey ee Soomaaliya dumiyey ee ay ka mid ahaayeen; qabyaaladda, musuqmaasuqu, cago-juglaynta iyo cabudhinta warbaahinta haddii aynu isticmaalno calanyahow ha dhicin waxba keenimaayo ee wuu dhacayaa Wallaahi.”
Haseyeeshee, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isna furitaankii shirkaasi ka hadlay, ayaa ka soo horjeestay mowqifka Guddoomiyaha UCID ee ku saabsan in qaranimada Somaliland halis ku jirto, inkastoo uu la qiray inay jiraan dhibaatooyin badan oo leh dhinacyada qabyaaladda oo saamayn xun ku yeelatay hano-qaadka axsaabta siyaasadda iyo waxyaabo kale oo u baahan in la saxo.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Faysal dhaliilaha uu sheegay waa sax waa in aynu wax ka beddelnaa, laakiin Wallaahi in aanay Somaliland sannad dambe jirayn iyo Calanyow waad dhacaysaa Ilaahay inaguma keeno, mana dhacayo ee way jiraysaa Somaliland. Waxa aad Faysalow dhibsanaysaa waa dhab dhibaatooyin in aynu xallilno u baahan waqtigan aynu joogno, tusaale ahaan; dawladdan iminka joogta KULMIYE annagaa u qaylo badan, dadku waxay yidhaahdaan KULMIYE muxaafad iyo mucaaradba isagaa isugu filan, annaga qayladayada waad maqlaysaan oo waa dimuqraadiyadda xannuunkeeda, waa sixid oo murankayaga haddii la dhegaystana ceeb maaha, laakiin markaynu dhab u hadalno xukuumaddan maanta joogtaa miyaanay dalka wax wayn u tarin Faysalow, maanta cannaantaa in aanay lahayn baan u malaynayaa, wax badan bay dalka ka tartay, wax badanina way dhiman yihiin.”
“Markaa waa in aynu waxa dhisan sheegano, dhibaatooyinkana aynu sheegano, laakiin saaxiibkay lama qabo niyad-jabka ah calanku wuu dhacayaa, calankani wuu jirayaa oo Tawxiidka Ilaahay ayaa ku yaal oo weligii ma dhacayo inta adduunyadu joogto,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Muuse Biixi Cabdi.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah WADDANI, ahna Horjoogaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isagu furay shirkaasi Akademiga, ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii loo hirgelin lahaa diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo doorashadaba, isla markaana laga ilaaliyo wax kastoo caqabadayn kara, “Diiwaangelintu waxay tahay dhiirigelin iyo sii wadid hannaanka dimuqraadiga ah, markaa waxaan rajaynayaa hannaankaa dimuqraadiga ah ee aynu aasaasnay wixii carqaladayn ah in laga daayo oo diiwaangelinta wixii carqalad ku ah laga daayo oo doorashada wixii caqabad ku iman kara qodxaha laga guro oo aan qodxo la hordhigin,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.