Wakhti halista cudurka Ebola ee ka dilaacay galbeedka qaarada Afrika sii kordhayso, duniduna dedaal ugu jirto sidii loo xakamayn lahaa cudurkaas, oo ilaa kun qof dad ka badani u dhinteen, ayaa waxa soo baxaya, wacyi galin iyo olole ay qaadayaan dadka xidigaha fanka iyo ciyaaraha aadka loogu yaqaano, sumcada wayna ku leh bulshada ku dhaqan gobolkaas.
Dhawaan waxa ka hadlay xaalada cudurka Ebola madaxa ugu saraysa hay’adda caafimaadka aduunka ee (WHO), magaceeda loo soo gaabsho, taas oo ka digtay halista cudurkaasi sida ay wakhtigan u noqotay mid faraha ka baxda oo dhibaatadii ugu waynayd aadamiga ku nool aduunka ku haysa, sidoo kale Madaxweynaha dalka Naigeria ayaa gabi ahaanba dalkiisa ku soo rogay xaalad deg deg ah, waxa kale oo lix ka mid ah gobolada dalka Liberia iyagana lagu soo rogay xaalad deg deg ah, iyadoo loo aqoonsaday gobolo dhibaataysan.
Haddaba halistaa sii kordhaysa ee cudurkan Ebola ayaa Ciyaar yahankii kubada cagta ee dalka Liberia George Weah ku dhalisay inuu qaado oo uu waliba isagu intuu qoray, haddana ku codeeyo, hees cusub oo dunida uga digaysa halista cudurka Ebola-ha ee dhawaan ka dilaacay galbeedka qarada afrika, sida la rumaysan yahayna ilaa kun qof dad lagu qiyaasay u dhinteen.
George Weah oo ka mid ah dadka aadka looga jecel yahay galbeedka qaarada Africa iyo dalkiisa Liberia labada, waxa isagoo ka hadlaya sababta ku kaliftay inuu qaado hees uu ku sheegay, walaac uu ka qaaday halista cudurkaas.
Mar uu hadlayay xaflad muusig oo isaga iyo heestiisan cusub ee Ebola-ha uu u qaaday, lagu maamuusayay, ayuu si adag uga hadlay halista cudurkaas iyo sida haddii aan wax laga qaban uu u noqon doono cudurka Ebola kii gumaadi lahaa ama sida uu hadalka u dhigay, cawaaqib aan la mahadin afrika kaga tagi doona.
Codka George Weah ayaa noqonaya wax ku cusub dhegaha dadka reer Africa laakiin magaciisa iyo ciyaarihii caalamiga ahaa ee uu ka qayb galay, waa kuwo la wada garanayo, sidaa waxa yidhi wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska ee dalka Liberia oo ah waddanka uu u dhashay ciyaar yahankaasi.
Sida lagu sheegay xaflada loo qabtay heesta cusub ee uu soo saaray George Weah waxa cajaladaha lagu duubay, iibkooda laga bilaabay waddamada galbeedka afrika, sida uu sheegayna lacagta ka soo xeroota waxa lagu dari doonaa, miisaaniyada wasaarada caafimaadka ee dalkiisa.