Hargeysa( Hubaal)- Bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa si rasmi ah uga curatay guud ahaan adduunka, iyadoo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi hambalyada bilshadeeda u direen shacabka.
War-murtiyeed ka soo baxay Madaxtooyada oo lagu faahfaahiyey dhambaal hambalyo ah oo Madaxweyne Siilaanyo kaga hadlay curashada bisha Ramadaan iyo waxa uu uga rajaynayo shacabka, waxa uu u qornaa sidan;
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa shacbiga Somaliland meel kastoo ay joogaan dalka gudihiisa & dibediisaba, bisha Barakaysan ee Ramadaan awgeed, waxaannu ugu bushaaraynaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo kowsatay caawa oo ay taariikhda miilaadiga ahi tahay 28/06/2014, halka ay taariikhda hijiriyada Islaamkuna ka tahay 01/09/1435.
Madaxweynuhu waxa uu Ilaahay uga Baryayaa inuu sannadka kiisa kale bash-bash & barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda ummadda Islaamka dhamaantood. Isaga oo dhambaalkan mid la mid ahna u dirayaa Madaxweynuhu shucuubta islaamka ee caalamka ku nool guud ahaanba.
Sidoo kale waxa uu Bisha Barakaysan ee Ramadaan awgeed Ilaahay uga barayayaa bukaan jiifka ay Ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE inagu waajibiyey, inuu ka dulqaado xannuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxaddan qaaliga ah ee bisha Ramadaana waxa uu Ilaahay uga baryay danbi dhaaf iyo inuu janatu fardawsa ka waraabiyo,” ayaa lagu soo gunnaanaday war-murtiyeedkaasi.
Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna qoraal kooban oo uu soo saaray, waxa uu ku hambalyeeyey shacabka bisha Ramadaan, “Anigoo (Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE) ku hadlaya magacayga, ka hoggaanka xisbiga, golaha dhexe, guddiga fulinta iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka, gaar ahaan shacbiga Somaliland curashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed.
Waxaan Alle inooga baryayaa inuu inaga yeelo kuwii khayrkeeda ka faa’iidaysta ee uu ka aqbalo,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.