HALKAN KA AKHRI + DAALLACO: Magacyada shaqaale Waraabe u-taag ah Iyo kuwo Qaraabo-kiil ah Oo Daaha Ka Rogaya Fadeexadii Usoo Hoyatay Wasaaradda caafimaadka Ee ay Shaqaalahu Ka Gadoodeen

0
33

wax isdaba-marin iyo musuq-maasuq ka dhan ah gunnooyin hay’adda UNICEF uga qornaa shaqaalaha wasaaradda Caafimaadka kuwaas oo madaxda sare ee wasaaradaasi ay ku kaceen isdaba-marin ay ku sameeyeen shaqaalahii ku qornaa gunnooyinka oo ay sameeyeen qaar aan la garanayn halka ay ka yimaadeen iyo kuwa kale oo la sheegay inay qaraabo yihiin wasiirka iyo agaasimaha wasaaradaas,baadhitaano dheer iyo u kuurgalis kadib waxaa noo suurto gashay inaanu gacanta ku dhigno dikumenti kale oo muujinaya shaqaalaha ay ka saareen magacyadooda liisaskii aanu hore idiinku soo bandhignay iyo kuwa cusub iyo gunnooyinka u qoran

shaqaalihii hore waxay ahaayeen 74-shaqaale ah, oo qaatay saddex bilood ee kala ahaa july/Aug/sep/2013, ka dib waxay sameeyeen wasiirka iyo agaasimaha guud liiskale oo ah 46-qof magacyadood oo ay ku jiraan 24-qof oo ah shaqaalaha wasaarada caafimaadka oo ka mid ahaa 74-kii hore,ka dibna 46-ka ay qoreen waxay ku dareen 21-qof oo ah dad cusub oo  qaraabada wasiirka iyo Agaasimaha guud ah , iyo qaar kale oo waraabe u taag ah.

Hadaba,halkan waxa aanu idinku soo gudbinaynaa shaxda magacyada 21-ka qof iyo sifahooda iyo xadiga lacagta loo qoray.

musuq1-vert

 

Sidaa daraadeed,waxaydun halkan ka fahmaysaan isdaba-marinta ay ku sameeyeen shaqaalaha iyo kuwa gaarka ah ee wasiirka iyo agaasimahu qaraabada yihiin ee ay ku dareen liiska islamarkaana ay ku badaleen kuwii saxda ahaa oo ay lacagahoodiina ku taxeen

Gabagabadii musuq-maasuqa ay wasiirka iyo agaasimaha wasaarada caafimaadku ku kaceen ee gunnooyinkii hay’adda UNICEF uga qornaa shaqaalahan gadooday ayaa noqonaya sidan:

  1. waxa cad inay lunsadeen lacag dhan= 98190 oo ah shaxdan
  2. waxay wasaaradu ka goosatay gunnooyinka shaqaalaha = 16% = 4116
  3. Guno saddex bilood ee ahayd oct-Nov-Dec/2013= 59046
  4. Burcana waxay ka goosatay Saddex bilood= Oct-Non-Dec/2013=10329

Totalka hadda la hubbo waa 171591. ee ah dhinaca shaqaalaha.

Wixii tixraac ah eek u saabsan musuq-maasuqa ay madaxda wasaarada caafimaadku ku samaysay lacagahii gonnooyinka ahaa ee UNICEF-tu bixisay waxaad ka daallacan kartaan bogga-gii aanu hore ugu soo daabacnay ee wargeyska Hubaal

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here