HALKAN KA AKHRI + DAAWO: Munaasibad Balaadhan Oo Loo Sameeyay Jaamacadda ADMAS Faraceeda Hargeysa oo La Mataanoowday Jaamacad ku taalla Dalka Japan

0
44

Hargeisa, (Hubaal) — Jaamacadda ADMAS Faraceeda Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa heshiis ay gaadheen kula Mataanoowday Jaamacadda Hitotsubashi University Institute of Innovation Research of Japan (IIR) ee dalka Japan, waxaana Sabtida Berriba Jaamacadda ka bilaabmi doona aqoonta ay iska-kaashanayaan labada Jaamacadood oo ay dhigayaan Macallimiin ka socda Jaamacaddaasi.

Munaasibad Ballaadhan oo lagu Mataanaynayey Jaamacadda ADMAS qaybteeda magaalada Hargeysa iyo Jaamacad ku taalla waddanka Japan, ayaa lagu qabtay xalay Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa, taasoo ay ka qaybgaleen Masuuliyiinta labada Jaamacadood ee la Mataaneeyey, Masuuliyiin kala duwan oo Hay’adaha dawladda Somaliland ka socday iyo Ardayda ADMAS wax ka barata qaarkood.

Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS Fareceeda Hargeysa Ixsaan Cumar Ismaaciil, ayaa furitaankii Munaasibaddaa ka hadlay, ayaa faahfaahiyey Barnaamijkan oo uu ku tilmaamay mid tijaabo hadda ah, balse la sii ballaadhin doono, waxaanu yidhi; “Dhammaantiin waxaan idinku soo dhawaynayaa Barnaamijkan aannu ku Daah-furayno Barnaamijkan aannu ugu magac-darnay Japan – Somaliland open University (Furitaanka Jaamacadaha Somaliland iyo Jabbaan), waa Mashruur immika tijaabo ah oo aannu doonayno inaannu ka midha-dhalinno. Wareeggan koowaad Ardayda ugu horreysa ee aannu qaadannay waa 11 Arday oo shan ka mid ahi ADMAS ka socdaa, lix Ardayna ka socdaan Hay’adaha kale.”

Guddoomiye Ixsaan waxa uu intaas ku ladhay; “Waa Barnaamij aannu doonayno inaannu la kaashanno Hitotsubashi University Institute of Innovation Research of Japan (IIR), waa Jaamacad wayn waanad baadhi kartaan. Weftigan ka socda Jaamacadda Japan waxay innoo yimaaddeen markii ugu horreysay bishii August illaa iyo maantana waxaan wadnay mar ay yimaaddaan iyo mar aannu isgaadhsiinta ku wada xidhiidhaynayba, gebogabadii waxaan ku guulaysannay inaynu maanta halkan isugu nimaadno oo heshiiskan guusha ah aannu wada gaadhno.”

HALKAN KA DAAWO VIDEO-ga munaasibadan balaadhan ee Jaamacada Admas ay kula mataanowday dhigeeda dalka Japan

admas iyo japan university

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here