Hargeysa(Hubaal) -Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirku xigeenka dawladda Ingiriiska u fadhiya Safaaradda Ethopia Mr. Chris Allen.
Kulankan oo ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta uga Xogwaramay wax yaabaha ay ka wada hadleen Wasiirka Arimaha DIbada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis,waxaana uu sheegay in ay ka wada hadleen arimo Xuseey dhinacyada Horumarka dalka iyo sida oo kale Xiisada hada ka taagana deegaanda Gobalada Bariga.
“Waxaa uu maanta Madaxweynuhu la kulmay danjire ku xigeenka ingiriiska oo maanta Somaliland nagu soo booqday si aanu uga wad hadalno wadciga iyo duruufaha haysta Somaliland,waxaanu u sharaxnay Somaliland in ay tahay dal nabad jecel Soo dhawaynaysa in ay Caalamka ka mid noqoto gooni isu taageenu uu yahay mid muqadasa sida oo kale jecel in ay wadankeeda gudihiisa ay Xasiliso,Wadanka gudihiisana gudaheeduna uu yahay mid caana lana yaqaano haday ingiriis yihiina ay yihiin kuwa Xuduudaha dhigay oo yaqaana Somaliland-na aanay marna ogalaanayn aqbali doonina,meelo laysku haystaana aanay jirin Wadanka gudihiisii weeye tagista ay Somaliland-na taleex ay tagtay waxaa ay ahayd in ay dadka shirka ku qabanaya ee Doonaya in ay shirka ku qabtaan ee Qalalaasaha wada ay kala erido tiina waanu ku guulaysanay dadkiina aad ayaa ay nosoo dhaweeyeen”ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis
Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata uu yidhi:”Somaliland waxaa ay doonaysaa in ay gaadhsiiso Dawladnimadeeda meel kasta oo kamida wadankeeda ,waa dadka yagii iyaga aya noo yeedhay iyaga ayaa na soo dhaweeyey,waxaanu u sharaxnay in Somaliland ay Xuduudaheedu ay yihiin Muqadas.
dagaal ma rabno,rabshad ma doonayso 23-sanadood ayaanu nabad iyo maamul wanaag ku noolayn Cilaaqaad fiican ayaanu la leenahay ingiriiska hawlo fara badan ayaanu ka wada shaqaynaa iyo dhamaanba Xaga horumarka”Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland