Fadeexado Musuq-maasuq oo Dul-hoganaya Maal-gashigii ugu Ballaadhnaa ee laga fuliyo dalka Jabuuti
-Dawladda Jabuuti oo Ganacsade dalkeeda ay hore uga Mastaafurisay u Burburinaysa Heshiis 20 Sanno ah oo u dhexeeyey DP World
London, (Hubaal)- Dawladda Jabuuti, ayaa Maxkamad ku taala magaalada London ee dalka Ingiriiska u gudbisay dacwad ka dhan ah Shirkadda DP World oo ay ku eedaysay inay lacago laaluus ah ku bixisay qandaraaska ay sannadkii 2000 kula wareegtay dhismaha iyo Maamulka Dekedda Jabuuti
Shirkadda DP World oo laga leeyahay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa 14 sanno horteed heshiis kula gashay dawladda Jabuuti Dhismaha dekedda Doraleh ee Woqooyiga magaalada Jabuuti, heshiis kaas oo dhigayey shirkaddu muddo labaatan sanno gacanta ku hayso maamulkeeda.
Dawladda Jabuuti waxa ay sheegtay inay ka baxayso heshiiska Shirkadda DP World ay muddada 20-ka sanno ah dammaanadda u haysatay gacan ku haynta maamulka dekedda isla markaana kiiska dacwaddeeda u gudbiyeen Maxkamadda Dhexdhexaadinta heshiisyada Caalamiga ah oo ku taala magaalada London, ka dib markii ay labada dhinac isku af-garan waayeen wada-xaajood u socday.
Eedaymaha Musuq-maasuq ee dawladda Jabuuti u jeedisay Shirkadda DP World, ayaa lala xidhiidhiyey ganacsadaha reer Jabuuti ee Cabdiraxmaan Boore oo xilligaas ahaa guddoomiyaha Hay’adda Dekedda Jabuuti, kaas oo wakhtigan mastaafuris kaga maqan dalkiisa ka dib markii lagu eedeyey inuu ka soo horjeestay dawladda uu hoggaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Sida aanu ka soo xigannay jariiradda WSJ oo ka faalloota arrimaha ganacsiga iyo Dhaqaalaha, shirkadda DP World ayaa ku gacan-saydhay eedamaymaha loo jeediyey, waxaanay sheegeen inay ka xun yihiin go’aanka dawladda Jabuuti ku gaadhay inay meesha ka saarto is-kaashiga iyo horumarinta 14-ka sanno u dhexeeyay Xukuumadda madaxweyne Geelle iyo Shirkaddooda.
Dhismaha Dekedda Jabuuti oo la dhammaystiray sannadkii 2008, oo isla sannadkaasna xadhigga laga jaray, ayaa noqonaysa dekedda ugu ballaadhan Qaaradda Afrika isla markaana shaqo-abuurka ugu badan ay ka heleen shacabka Jabuuti.
Shirkadda DP World oo gacanta ku haysta maamulka in ka badan 65 Dekedood oo caalamka ku yaala oo badankoodu ku yaala waddamada suuqooda ganacsi soo kobcayo, ayaa sheegtay inay sii wadayso gacanta ku-haynta maamulka Dekedda Doraleh, iyaga oo meesha ka saaray inay u hoggaansami doonaan go’aanka dawladda Jabuuti.
“Ma oggolin eedaymaha la soo jeediyey, si khasab ahna waanu isku difaaci doonaa inta ay socoto dacwaddu, “ ayay shirkadda DP World ku sheegtay war-murtiyeed ay soo saartay.
Dawladda Jabuuti waxa ay sheegtay in kiiska la xidhiidha musuq-maasuqa ee ay dacwadda ka gudbisay uu ka soo baxay baadhitaan lagu sameeyey Cabdiraxmaan Boore oo hore gacan ugu hayn jiray maamulka dekedda Jabuuti. Cabdiraxmana Boore oo ka mid ah ganacsada ugu waaweyn dalka Jabuuti, balse xaruntiisu tahay magaalada Dubia, ayaa baadhitaankan kiiskan ka hor waxa ay dawladda Jabuuti sannadihii u dambeeyey la beegsaday dacwado ay kaga furtay maxkamado dibadda ah, taas oo sababtay in la xayiro hanti badan oo u taalay waddamo dhowr ah.
Dawladda Jabuuti waxa ay ganacsadahan ku eedaysay inuu awoodda maamul ee uu dawladda ka hayey siyaabo khaldan ugu faa’ideeyey danihiisa gaarka ah, waxaana la filayaa in kiiska ugu weyn ee dacwaddiisa la xidhiidha laga furo maxkamad ku taala magaalada London.
Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo dawladda Jabuuti kala wareegtay Hanti badan oo dalkiisa u taalay, ayaa tiraba dhowr jeer beeniyey eedaymaha loo jeediyey, waxaanu eedaymaha xukuumadda madaxweyne Geelle u jeedisay ku tilmaamay aar-goosi siyaasadeed.
Dawladda Jabuuti ayaa war-murtiyeed ay ka soo saartay ku sheegay in baadhitaankoodu daaha ka rogay caddeymo muujinaya in shirkadda DP World lacag badan iyo adeegyo kale raalli gelin ah ku laaluustay Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo dawladda Jabuuti u qaabilsanaa wada-xaajoodka shirkadda DP World ka hor intaan la gaadhin heshiiska ay kula wareegtay dhismaha iyo gacan-ku-haynta Dekedda Doraleh.
“In kasta oo dawladda Jbuuti u arkaysay in arrintan xalkeeda loo maro wada-hadallo toos ah oo laga yeesho, immikana wada-xaajoodkii wuu burburay, tanina waxay dariiqa u furtay inay Jabuuti maxkamadda u gudbiso codsiga ku shaacinayso inay ka baxday ogolaanshihii ay heshiska ku bixisay,” sidaa ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka ka soo baxay Jabuuti.