HALKAN KA AKHRI: Dawladda Maraykanka Oo Ka Digtay Weeraro Ay Kooxda Al-shabaab La Maagan Yihiin Addis ababa

0
24

Washington (Hubaal)-Xarunta Safaaradda u ah Maraykanka eek u taalla Caasimadda Ethiopia ee Addis ababa, ayaa muujisay inay soo gaadheen digniino sheegayo in Al-shabaab maleegayaan weeraro ay Halkaas ka fuliyeen.

Safaaradda ayaa sheegtay inay wararka soo gaadhay muujinayaan in Al-shabaab ay weerarkeeda la maagan tahay Deegaannada Xaafadda Bole eek u taalla Badhtamaha Addis ababa.

 addis ababa

Waxa ay safaaraddu sheegtay in ay hayso warbixino muujinaya hanjaabada dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ay ku doonayaan in ay weeraro uga geystaan degaanka Bole ee caasimadda addis ababa.

Warbixinta waxaa lagu yidhi ”safaarada Mareykanka ee Ethpia waxaa ay heshay warbixin muujineysa in Shabaabka ka dagaalama dalka somaliya ay qorsheynayaan in ay weeraro ka geystaan degaanka Bole ee Magaalada Addis Ababa ka tirsan gaar ahaan meelaha la iskugu yimaado sida Hotel-da,Baararka meelaha lagu cibaadeysto suuqyada waaweyn iyo moolalka ku yaala deegaanka Bole,”

Safaaradda ayaa sheegtay in laga fogaado meelahaasi oo safaarada suuragalka ka dhigfay in ay weerarda ay ka geysytaan Shabab,waxaana sidoo kale warkaan lagu qoray Wabsit ay safaarada Mareykanka ee Adds Abba leedahay.

Bishii June saraakiisha Ethipia ayaa xidhay 25-qof oo ay ku tuhmaayeen inay ka tirsan yihiin dhaq dhaqaaqa Al-shabaab, kuwaas oo dhammaantood lagu qabtay gudaha dalka Ethipia.

Sidoo kale bishii October 2013 laba nin oo soomali ah ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay guri ku yaala Magaalada Addis Ababa halkaasoo ay hey’addaha amaanka ay shegeen in lagu diyaarinayay si loogu weeraro goob lagu daawanayay ciyaar ka tirsaneyd kubada cagta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here