Berbera (Hubaal) – Maamulka Dekedda Berbera ayaa shalay gacanta ku dhigay badeecad sifo sharciga ka baxsan uga baxaysay dekedda Berbera, taas oo cashuurteedii lala baxsanayey kadib markii sida la sheegay lagu cashuuray badeecadaasi nooc aanay ahayn oo qiimaha cashuurteedu aad u hooseeyo.
Badeecaddan cashuurta lagala baxsanayey oo ahayd Risiifarada TV-yada (TV receivers), ayaa cashuurteeda lagu bixiyay inay ahayd tooshashka wax lagu iftiinsado ee yaryar, kuwaas oo tacriifadda cashuurtoodu aad uga hoosayso tacriifadda Risiifarada TV-yada.
Badeecaddan oo markii ay dekedda ka soo degtay lagu keenay Koontayner, ayaa la sheegay inuu Mukhalis ka ahaa nin la yidhaahdo Mawliid Xaamud oo ka mid ah dadka sida joogtada ah Dekedda Berbera badeecadaha uga cashuurta.
Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helay Badeecadan Cashuurta lagala baxsanaayay ayaa waxa rarayay ama cashuur la baxsadkeeda ka qayb-qaadanayey shaqaale ka kala socday Kastamka Berbera iyo kuwo kaloo ka socday Dekedda Berbera, kuwaas oo la sheegay in ay heshiis dhex maray Mukhalaska badeecadda cashuurayay awgii ay badeecadaa Risiifarada ahayd ay iyagu si badheedha ugu rareen tooshashka wax lagu iftiinsado ee yaryar kuwaas oo markii hore uu Mukhaliska ama cashuuraha badeecadu uu ku soo cashuurtay dakhliga dawladdana uu ku shubay in badeecada uu sitaa ay tahay tooshash, taas oo sida ay noo sheegeen masuuliyiinta Kastamka Berbera wax uga cashuuraa in dakhliga dawladda ee kooxdani ay ku talagaleen in ay lunsadaan ay ahayd lacag dhan 80,000,000 Sh. Sl (Siddeetan milyan oo Shillinka Somaliland ah).
Baddeecaddan oo shalay gelinkii dambe markii lagu daad-gureeyay laba gaadhi oo Waaraad ah, isla markaana ay albaabka dekedda ka baxayaan, ayaa waxaa halkaas soo gaadhay Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor-Xoor oo sida la sheegay isagu warkooda soo ogaaday, waxaanu shaqaalihii iyo ciidamadii Booliska albaabka dekedda joogay ku amray in baabuurta sida badeecaddan dib loo celiyo, lana baadho dhokumentiga badeecaddan inay is-waafaqsan yihiin, taas oo kadib markii la baadhay la ogaaday in labadaas gaadhi ay saaran yihiin Risiifaro badan, halka tooshashka badeecaddan lagu cashuuray ay noqdeen afar kartoon oo keliya.
Laba Xubnood ka kala socday Kastamka Berbera ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Wakaaladda Dekedda Berbera, ayaa la sheegay inay hawl-galkan cashuurta dawladda lagu baxsanayey ka qayb-qaateen, iyadoo sida ay sheegeen dadka aqoonta u leh qaabka badeecadaha ka soo dega dekedda Berbera looga cashuuro Kastamka Berbera aanay labada xubnood oo keliya ku lug lahaan karin hawl-galka noocan ah, balse ay ku suurto-geli karto oo keliya iyadoo ay hawsha kula jiraan cid ka hawl-gasha xafiiska Manifest-ka ee Kastamka Berbera kaas oo ay ahayd inuu waraaqda intariga ku soo jaro marka uu hubiyo inay is-waafaqsan yihiin badeecadaha ku qoran manifest-kii ay badeecaddu ku soo degtay iyo foomkii uu soo buuxiyay hubiyaha oo isagu isa soo dul-taagay badeecadaas.
Sida wararku sheegayaan baddeecaddan ayaa shalay markii dambe Mukhaliskii cashuurayay laba shubay lacag dhan 120,000,000 (Boqol iyo labaatan Milyan oo shillinka Somaliland ah), taas oo kala ah 80,000,000 oo ah cashuurtii la lunsanayey iyo 40,000,000 oo ah ganaax la saaray.
Ilaa iyo hadda lama ogga wax tallaabo ah oo ay Maamulada Dekedda iyo Kastamka Berbera ka qaadeen xubnaha ku lugta lahaa hawl-galkan cashuurta lagu lunsanayey.
Maaha markii ugu horeysay ee tallaabo noocan oo kale ahi ay ka dhacdo dekedda Berbera, waxaanay ahayd sannadkan horraantiisii markii xafiiska Daba-galka iyo Kormeerka ee Wasaaradda Maaliyaddu uu gacanta ku dhigay badeecad Mobile-lo ah oo cashuurtooda lagala soo baxsaday kastamka Dekedda Berbera, taas oo muddo muran ka taagnaa tallaabadii laga qaadi lahaa masuuliyiintii iyo shaqaalihii ka qayb-qaatay in cashuurta badeecaddaas lagala soo baxsado kastamka Berbera.