“…. Baasaaboorkiisa oo ka dhacsanaa ayaa uu Hadda dib u cusboonaysiistay [re-new] kadib waa uu naga baxsaday, waxaanu ogaanay in uu tegey Turkiga, una sii gudbay Suuriya…mar baanu xataa maqalnay in uu geeriyooday hase yeeshee been bey noqotay”
Mosel (Hubaal-W/wararka)- Xuseen Feysal Cali Oo Ah Wiil Uu dhalay Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Somaliland Ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa la xaqiijiyey inuu si rasmi ah ugu biiray xarakada Islaamiga ah ee DAACISH (ISIS) ee ka dagaalanta dalalka Suuriya Iyo Ciraaq.
Sida uu xaqiijiyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Feysal Cali WAraabe, Wiilkan oo 22 sanno jir ah ayaa laga war helay inuu ku sugan yahay wadanka Ciraaq kadib markii horaantii sanadkan mar keliya la waayay.
Xuseen Feysal Ayaa Laga dhex arkay muuqaalka Cajalad Video Ah oo ay soo saartay xarakadaasi, taasi lagu soo beegay munaasibaddii Ciidul fidriga, waxaana cajalada ka dhex muuqday Xuseen Yare oo ku hadlaya luuqada Finishka isaga oo sheegaya inuu ku biiray dawladdaas Islaamiga ah, isla markaana uu calanka Islaamka ka taagi doono dalka labaad ee uu ka soo jeedo ee Findland.
Xuseen feysal Cali ayaa ku barbaaray wadanka Finland isaga oo muddo dheer deggenaa magaaladda Espoo ee dalkaas, hase yeeshee uu sanadihii u dembeeyey mar u soo wareegay dhinaca Somaliland halkaas oo dhaqan celin loo keenay balse loo taag waayay.
Sida laga war qabo bishii February ee kal hore 2013-kii ayaa Wiilkan iyo gabadh uu guursaday oo ka soo jeeday deegaanka Wajeer ee dalka Kenya waxa lagu qabtay magaalada Laassnaacood iyaga oo doonayey iney galaan Koonfurta Soomaaliya si uu uga mid noqdaan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Haddaba ka sokow cajalada laga dhex arkay wiilkan ayaa dhinaca kale Guddoomiyaha UCID Eng. Feysal Cali waRaabe maanta Xaqiijiyey jiritaankiisa isaga oo shaaca ka qaaday in uu wiilkaasi yahay wiilkiisii.
Tifaftiraha HUBAAL MEDIA oo goor dhawayd khadka telefoonka kula xidhiidhay Eng. Feysal Cali Waraabe si uu wax uga weydiiyo arrintaasi ayaa sheegay in Wiilkiisa ay ka war heleen isaga oo ku sugan dhulka ay ka dilaacday jabhadda DAACISH, isaga oo carrabka ku dhuftay in muddo hore uu ka baxsaday oo ay waayeen meel uu tagay, “Haa Adeer, warkaasi wuu jiraa, Wiilka yari Waa Xuseen oo Dhowr biloodba waanu la;ayn” sidaa ayuu yidhi Eng. Feysal Cali Waraabe oo ka war celinaya weydiinta ku suntan jiritaanka warkaasi, waxana isaga oo sii faahfaahinaya uu intaa ku daray “yarku waa inankii berigii dhawayd Laascaanood lagu qabtay, isaga iyo gabadhiisa, markaa kadib waxa aan ku celinay Finland, hase yeeshee Baasaaboorkiisa oo ka dhacsanaa [Date-ku] ayaa uu dib u cusboonaysiistay [re-new] annaga oo aan ogayn kadib waa uu naga baxsay January-dii sanadkan, waxaananu ogaanay in uu tegey wadanka Turkiga, oo uu sii dhex maray, una sii gudbay Suuriya…mar baanu xataa maqalnay in uu geeriyooday hase yeeshee been bey noqotay oo maanu rumaysan, maadaama oo aanaan ka war qabin inuu halkaas joogo…hadda ayaanu warkaasi xaqiijisannay oo waa ta website-yada ku jira, aniguna waan kuu xaqiijinayaa arrinkaasi”. Sidaa ayuu yidhi Feysal Cali Waraabe.