W/Q: Maxamed Cumar Sheekh, wakiilka Wargeyska SAXAFI ee Gobollada Galbeedka Somaliland
Tan iyo markii Caasimadda dalka ee Hargeysa looga diyaargaroobay shirweynihii 3aad ee xisbiga Kulmiye oo dhammaaday 29-kii bishii aan soo dhaafnay ayaa qof kasta oo Boorama socoto ku yimaadda dareemayaa in magaalada dad badani ka maqanyahay haddii ay yihiin masuuliyiin dawladeed, siyaasiyiin, qurbajooggii ,taageerayaal ka kala tirsan muxaafidka iyo mucaaradkaba, hogaamiye dhaqameedyo, ganacsato iyo shicib caadi ahba.
Wakhtigan oo Boorama ay buuxdhaafin jireen muwaadiniinta reer Jabuuti ah oo ka soo yaacaya kuleylka dalkooda iyo qurab-joog sannadahan dambe ogaaday inaan dalka weli qoryo la isku haysan ayaa sidoo kale qof kasta oo u fiirsada meelaha ay dadku isugu yimaaddaan iyo hudheelada waaweyn ee laga cunteeyo ama la seexdaa u dareemayaa inaysan macaamiil badan haysan, goobaha bunka iyo shaaha ee subaxdii iyo galabtii la isugu iman jirayna aan bishan oo dhan laga maqal buuqii siyaasadda, xantii iyo murankii fadhi ku dirirka waxa kale oo aan xafiiska badhsaabka lagu arag safafkii dhaadheeraa ee loo gali geli jiray aragtida Guddoomiyaha gobolka, kaas oo shirweynahaasi ka dib magaalada Burco u tegay nabadaynta beelaha reer Burco ee uu badhsaabka u wada ahaa intii aanu Boorama u soo wareegin. maayarkii magaalada ayaa isna ku wareersan dhaqaajinta arrimihii diiwaangelinta muwaadiinta .
Dad badan oo arrimahaa dareensan ayaa siyaalo kala duwan uga jawaabay, qaarkoodna ku sheegeen in magaalada looga haajiray dhinaca Hargeysa iyo Itoobiya. Sida la ogyahay qulqulka reer Boorama ee dhinaca Caasimadda Hargeysa ayaa bilowday wax yar ka hor shirweynihii xisbul xaakimka iyo kaddib, iyadoo badi ergooyinkii gobolka uga qaybgalay shirweynahaasi aanay ku soo laabanin degaanadii ay ka yimaaddeen, qaarkoodna weli siyaalo kala duwan ugu xannibanyihiin caasimadda,halka kuwa kalena indhaha ku hayaan arrimaha siyaasadeed iyo kuwa beeleed ee halkaa ka socda. qaarkoodna quuddarraynayaan bal inay meel uun ka soo galaan kuleylka siyaasadeed ee wakhtigan kuleylaha ah ka bilowday caasimadda dalka,halka kuwa kalena ku sheegeen in shaqo la’aan looga tegey magaalada.
Markaan ka gudubno dad yaraanta Boorama ee wakhtigan,qulqulka Siyaasiyiinta, waxgaradka, hogaamiye dhaqameedyada iyo shacbiga reer Awdal ku joogaan Hargeysa ayaa iyaduna la iska weydiin karaa su’aalo siyaalo kala duwan looga jawaabi karo. Markaad dib u raacdo saamaynta reer Awdal uu ku yeeshay shirweynihii Kulmiye ee 3 aad ayaa cid kastaa ogeyd sida reer Awdal uga kala qaybsameen habkii loo qaabilay ergooyinka, isla markaana masuulyiinta ugu sarreysa reer Awdal qaarkood ku kala qayabsameen sifaha loo maamulay. kaasoo dhaliyey inay si badheedh ah iskugu dhacaan haweenayda madaxweynaha kala talisa arrimaha haweenka, Aamaal Miisaan iyo Madaxweyne ku xigeenka haatan Cabdiraxmaan Saylici.
Isku dhacyada caynkan ah ayaa waxa ka horreeyay khilaafyo beeleed iyo kuwa siyaasadeed oo horeyba ugu kala dhex jiray qaybaha dadweynaha reer Awdal, iyagoo siyaasiyinta,waxgaradka iyo hogaamiye dhaqameedyada qaarkood taageero siiya madaxweyne Siilaanyo halka kuwa kalana ku daba fayshanyihiin madxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylci.
Haddaba iyadoo saaxadda siyaasadda dalku sii kululaanayso ka ddib isa soo sharraxaadii Muuse Biixi ee mansabka Madaxweynaha ayaa dhinaca kale khilaafka reer Awdal ee arrimaha siyaasaddu sii kululaaday, sida warar aan la xaqiijin sheegayaan reer Awdalka halkaa u fadhiya badi arrimaha siyaasaddu waxay u kala fadhiyaan qaybo daafacaya mustaqbalka siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka haatan iyo kursigiisa, halka kuwa kalena si hoose uga wada hadlayaan sidii kursigaasi cid kale ugu fadhiisan lahayd, waxaanad mooddaa in doodda haatan reer Awdal ku kala haysata Hargeysa u badantahay sidii dhinacyadaasi u kala badsan lahaa miisaankooda Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, kuwaasoo la sheegayo inuu haatan ku mitidayo madaxweyne ku xigeenku, dhinacyada kalena ku fikirayaan sidii ay u baajin lahaayeen,iyadoo dhinaca kalana doodda ku saabsan cidda mansabka madaxweyne xigeenka isu soo sharrixi doonto. shakhsiyaad badanna loo hadalhayo iyo in mar kale madaxweyne ku xigeenka haatani uu kursiga ku fuuli karo codadka xisbiga Kulmiye ka helo gobolada kale ee dalka sidii dhacday afar sano ku dhawaad ka hor, waxayse bishu horteenna iman doontaa dhammaadka Bilowga bishan dambe ee June.