HALKAN KA AKHRI Faallo Tafsiir Ka Bixinaysa: Dadweynaha reer Boorama Oo Meel Iska Dhigay Hadal-haynta Xukuumadda Iyo Xisbiyada Siyaasadda. Qalinkii Weriye Maxamed Cumar Sheekh

0
24

 

Iyadoo haatan sannad wax ka yari ka hadhsan yahay wakhtigii Xukuumadda KULMIYE loo qabtay inay dalka xukunto isla markaana loo ballansan yahay doorashooyin dalka ka dhaca sannadka dambe ayaad mooddaa in guud ahaanba gobolka Awdal gaar ahaanna degmada Boorama dadweynaha ku nooli u muuqdaan kuwa aan haabkaba ku haynin arrimaha siyaasadeed iyo mustaqbalka siyaasadda dalka, waxanad mooddaa inay sii yaraanayso hadalhaynta xukuumadda KULMIYE iyo xisbiyada siyaasaddaba. Sidoo kale ayaad mooddaa in dhadhankii siyaasadda iyo dhaqdhaqaaqyadii laga arki jiray madaxda u sarraysa ee dalka dadweynaha gobolkan ama Booramana lagusoo xusuusin jiray qarrannimada Somalilandna aanay meesha ka muuqan. Sannad in ka badan ayaa laga joogaa safar ay gobolka ama Boorama ku yimaaddaan madaxda u sarraysa dalka marka laga reebo wufuud u soo kala badin jirtay marka wax dhacaan ama xaalad ammaan-darro laga dareemo degaanno ka tirsan gobolka, kuwaas oo uu ugu dambeeyey wasiirka Daakhiliga Cali Warancadde, intaa wixii ka dambeeyeyna aanay gobolka cag soo dhigin cid ka socota xukuumadda sare.

3178_NpAdvHoverSidoo kale ayaad mooddaa in dhadhankii xisbiyada mucaaradka iyo muxaafidkuba hoos uga sii dhacay Boorama, socdaaladii madaxda xisbiyadaasi ku iman jireen degmada kuna xusuusin jireen dadweynaha in nidaamka haatan jiraa yahay mid aan meel gaadhsiin doonin, iyo mid ku faana waxqabadkuba meesha ka baxeen, waxayna taasi keentay in badi dadweynaha Boorama ka gaabsadeen arrimaha siyaasadda, ballanqaadyo badan oo ka socon waayey xukuumaddana kaba quusteen wakhtigan sidaa darteedna hadalhayntoodu u badan tahay wax ka duwan jiritaanka Somaliland iyo dawladda KULMIYE oo awalba reer Awdal dirqi lagu marsiin jiray.

Meelaha dadka u badan dhallinyardu isugu yimaaddaan ayaa inta badan laga hadalhayaa arrimaha Somalia, Puntland, iyo dib-u-dhacyada siyaasadda xukuumadda KULMIYE, shaqo la’aan, ammaan-darro, dad laga qaatay gobolka oo Djibouti loo geeyey, caddaalad darro, qabyaalad, gobolaysi iyo dareenno aan dan u ahayn midnimada shacbiga dalka.

Qaarbaa sheega ama ka sheekeeya in UN dalka kala googoyn doonto, badhna la raacin doono Puntland, qaarbaa ka sheekeeya in dalalka deriska ahi Somaliland la colloobeen oo meel loo baxaaba jirin halka kuwa kalena ku sheekeeyaan inaan dalka doorashooyin ka dhici doonin oo loo kordhin doono xukuumadda. Waxaas oo war-xumo tashiil iyo Somaliland diidnimo ah ayaa loo nisbayn karaa dhawr arrimood:

Madaxda xukuumadda ama golayaasha qaranka iyo shacbiga oo kala go’ay warna aan isku haynin, tan labaad oo la odhan karo waxay la xidhiidhaa dhaqaale darro iyo shaqo la’aan soo waajahday shacbiga loona baahnaa inay xukuumaddu wax uun ku mashquuliso, illawsiisana duruufaha jira, mashaariic loo sameeyo dhallinyarada, iyo masuulyiinta dawladda oo soo dhex gala dadweynaha gobolada, iskuna oodin xafiisyadooda caasimadda, maamulada gobolka iyo degmada oo la xoojiyo kuwaas oo ay maanta isla il-daran yihiin qaybo ka mid ah shacbiga oo doonaya inay dawladdu dhacdo.

Xsibiyada qaranka ayaan iyagana wax sidaas oo niyad ah aanay shacbigu u qabin taageeradooda ama diidmadooda, sababtoo ah waxa murankooda iyo jiritaankooduba ku xidhan yahay dawladda ama Madaxtooyada oo ay barbar joogaan, iyadoo ay ahayd in duruufaha dadweynaha uga xog-ogaalsanaadaan duruufaha dawladda.

Cabdiraxmaan Cirro, guddoomiyaha xisbiga WADDANI ayey Boorama ugu dambaysay laba sannadood ka hor. Faysal Cali Waraabe waa la mid, halka Guddoomiyaha KULMIYE iyo reer Booramana aanay weli isku arag fagaaraha siyaasadda,  xisbiyadaasi oo dawladdu uga socod badatay gobolka.

Ugu dambayntiina dadweynaha Boorama iyo degaanno ka tirsan gobolka Awdal ayaan maanta hadalhaynin dawladda iyo xisbiyada qaranka, meelna iska dhigay isbeddel muuqda oo dalka ka dhaca wakhtigan hadii aanay iman waxyaalo kale oo soo dedejiya, sidaa darteedna xukuumadda iyo xisbiyada madaxdooda ayey ku xidhan tahay sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen rajada siyaasadeed iyo isbeddel siyaasadeed oo horumar lagu gaadhi karo.

Faallo – Maxamed Cumar, Weriyaha Saxafi ee Boorama

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here